Taliyihii hor ee ciidanka Booliska dowllada Puntlland Gen Cali Nuur oo xilka wareejiyey

November 3, 2011 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta si rasmi ah xilkii taliyaha ciidanka Booliska dowllada Puntland u wareejiyey Gen Cali Nuur oo dhawaan xilka laga qaaday iyadoo dowllada Puntlland aysan sheegin sababaha rasmiga ah ee Gen. Cali Nuur xilka looga qaaday, Gen Cali Nuur ayaa ahaa nin rug cadaa ah  khibrad dhinac ciidanka Booliska ahna lahaa waxaan ilaa intii uu xilka hayey wax badan oo isbedel ah ka qabtay habeynta ciidanka Booliska iyo kuwa Usluubta.

Taliyihii hor ee ciidanka Booliska dowllada Puntlland Gen Cali Nuur ayaa waxaa uu xilka ku wareejiyey Gaashaanle Sare Maxamed Siciid Jaqanaf iyadoo xil wareejintu ay ka dhacday xaflad xarunta ciidanka Asluubta Puntland ee magaaladda Garoowe, xaflada xili wareejinta ayaa waxaa ka sooq ayb galay Saraakiil ka tirsan Wasaarada amniga, wasaarada Cadaaladda, Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Puntlland iyo masuuliyiin ka socday Hay.adda UNDP Puntlland.

Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntlland Gen.Cali Nuur oo hadal kooban ka jeediyey goobta uu xilka ku wareejiyey ayaa waxaa uu xusay in ciidanka Booliska Puntlland uu maanta heer wanaagsan marayo aadna u wanaagsan yahay isagoo u rajeeyeye Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Puntlland in uu meel ka sii wanaagsan uu gaarsiiyo tayada ciidanka Booliska Puntlland, Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntlland Gen .Cali Nuur ayaa xusay in uu yahay oday soomaaliyeed gaar ahaa Puntlland ah uuna ka shaqayn doon horumarka Puntlland.

Taliyaha cusub ee ciidanka Puntlland G/Sare Maxamed Siciid Jaqanaf oo isagan goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay iyo sidda sharafta leh ee uu Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntlland Gen. Cali Nuur uu xilka ugu wareejiyey, Taliyhah cusub ee ciidan ka Booliska Puntlland G/Sare Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa ka codsaday dhamaan hay.addaha dowliga ah in ay la shaqeeyaan.

Dhamaan Masuuliyiintii ka soo qayb galay xaflada xili wareejinta ayaa waxaa ay mahad balaaran u soo jeediyeen Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntlland Gen. Cali Nuur iyagoo uga mahad celiyey sida wanaagsan ee uu xilkiisa u gutay mudadii uu hayey xilka waxaan ay ku booriyeen taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska in uu xilka loo igmada uu ka soo baxo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online