Wafdi uu hogaaminayo wasiirka G/dhiga DFKM oo gaaray Dhoobley.
November 2, 2011 - Written byDhoobley:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka G/dhiga ee DFKM Xuseen Carab Ciise ayaa galabta gaaray magaalada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose waxaana socdaalkiisa ku weheliyey taliyaha ciidamada melatariga Jen Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini.
Wafdiga DFKM ayaa waxaa sidoo kale ka sii raacay magaalada Dhoobley saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya iyo abaanduulaha ciidanka DFKM ee gobalka J/hoose Gen.Yuusuf Cusmaan (Dhuumaal).
Wasiirka Difaaca ee DFKM ayaa waxaa uu ku booqday cisbitaalka magaalada Dhoobley askar ku soo dhaawacantay dagaalada ka socda gobalka J/hoose.
Socdaalka wafdigan ayaa waxaa uu ka danbeeyey ka dib markii labada dowladood ay heshiis gaaraya 11 qodob ay ku saxiixdeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
A/Cawale
Halgan.net