Wafdi uu hogaaminayo wasiirka G/dhiga DFKM oo gaaray Dhoobley.

November 2, 2011 - Written by

Dhoobley:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka G/dhiga ee DFKM Xuseen Carab Ciise ayaa galabta gaaray  magaalada Dhoobley ee gobalka  Jubada Hoose waxaana socdaalkiisa ku weheliyey taliyaha ciidamada melatariga Jen Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini.

Wafdiga DFKM ayaa waxaa sidoo kale ka sii raacay magaalada Dhoobley saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya iyo abaanduulaha ciidanka DFKM ee gobalka J/hoose Gen.Yuusuf Cusmaan (Dhuumaal).

Wasiirka Difaaca ee DFKM ayaa waxaa uu ku booqday cisbitaalka magaalada Dhoobley askar ku soo dhaawacantay dagaalada ka socda gobalka J/hoose.

Socdaalka wafdigan ayaa waxaa uu ka danbeeyey ka dib markii labada dowladood ay heshiis gaaraya 11 qodob ay ku saxiixdeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,779 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>