Wasiirka G/dhiga iyo Taliyaha ciidamada DFKM oo ku wajahan gobalka J/hoose

November 2, 2011 - Written by

Kismaayo:-Wasiirka gaashaandhiga ee DFKM ahna Ra’isal wasaare kuxigeenka Xuseen Carab Ciise ayaa u ambabaxay deegaano ka tirsan Jubooyinka waxaana socdaalkiisa ku weheliya Taliyaha ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo saraakiil Kenyan ah .

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka G/dhiga ee DFKM ayaa waxay tagi doonaan deegaanada Dhoobley, Taabto, qooqaani iyo deegaano kale oo Ciidamada Kenyaan ah iyo kuwa huwan ah ay la wareegeen dhawaan.

Socdaalka wasiirka Difaaca ee DFKM iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa ka danbeeyey ka dib markii heshiis ay kala saxiixeen labada Raisulwasaare ee dowlada Kenya iyo DFKM waxaana si wada jir ah loo dhisay Gudi wada jir ah oo ka shaqeeya amaanka iyo isku xirka labada dowladood kaas oo xoojin doona howlgalada ka socda gobalka J/hoose.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online