Wasiirrada G/dhiga ee Midowga Afrika oo uu shir uga furmay magaalada Addis Ababa
November 14, 2011 - Written byAddis Ababa :-Waxaa maanta uu shir uga furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Wasiirrada G/dhiga ee wadamada ku bahoobay Midowga Afrika waxaana shirka diirada lagu saari doonaa xaalada amaanka ee dalka Soomaaliya iyo howgalada ciidamada AMISOM.
Shirka ayaa waxaa ka hadlay warbixina siiyey wasiirada kale wasiirka G/dhiga ee dalka Burundi iyo Uganda oo ay haatan ciidamo ka joogaa gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo lagu qiyaaso 9,000 askari, oo garab siiya ciidamada DFKM .
Afhayeen u hadashay ururka Midowga Afirka, Lulit Kebede ayaa sheegtay in kulanka maanta ka furmay magaalada Adis Ababa uu yahay mid muhiim ah kaas oo lagu falaqeyn doono arimo badan waxayna sheegtay in shirka aan loo ogoleyn warbaahinta.
Shirka ayaa waxaa kale oo ka hadli doona wasiirada G/dhiga dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo lagu wado in ay ciidamo geeyaan dalka Soomaaliya waloow ay Kenya ciidamadeeda qabsadeen haatan qeybo ka mid ah gobalka J/hoose.
A/Cawale
Halgan.net