Xaruntii Shirkada Golis ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo la dhacay
November 24, 2011 - Written byGaalkacyo:-Koox dabley ah oo hubeysan ayaa saaka waxaa ay dhac u geysteen xaruntii shirkada isgaarsiinta Golis ee ku taalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kooxdaan dableyda ah ayaa waxaa ay dhawaac u geysteen mid ka mid ah shaqaalihii ka shaqayna yey xarunta Golis iyagoo dhacna u geystay ka dibna baxsaday.
Kooxdaan dableyda ah ayaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan lacagta ay ka dhaceen xaruntii shirkada isgaarsiinta Golis ee ku taalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo iyadoo wararku sheegayaan in lacagta laga dhacay xarunta Golis ay u dhexayso 30.000 kun oo dollar ilaa 100.000 kun oo dollar.
Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii u danbeeyey waxaa ka jiray amaan daro iyo qorshooyin hoose oo ay wadaan kooxo abaabulan oo iyagu ka fulay magaalada Gaalkacyo dilala iyo dhac kuwaas oo u badan dhalinyaro hubaysan oo aan cidna ka amar qaadan, dhalinyara daan hubaysan ayaa mararka qaarkood dhexdooda ka dagaalama iyagoo dhibaato u geystay dadka rayidka ah ee ku nool Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
M_M_Deeq
Halgan.net