Darsigii 1aad, 2aad iyo 3aad ee Cilmiga Usuul Fiqh Sh.Dr Maxamuud C/raxmaan Hoori (Daawo)

February 4, 2012 - Written by

Waxaa Mahad alle ah in Sheekh Dr Maxamuud C/raxmaan  Hoori uu duubay xalqo kale oo ku saabsan barashada Cilmiga Usuul Fiqhiga oo kooban oo uu Shiikhu ku qaadaa dhigi doono ilaa 4 xalqo  oo uu ah dariiq aad u sahlan oo qofka daali bigu cilmiga ah uu si sahlan ugu fahmi karo Usuul Fiqhiga.

Sheekh Dr Maxamuud C/raxmaan  Hoori ayaa allaha dhowree waxaa uu sidoo kale duubay Cilmiga Naxwaha ah iyo cilmiga dhaxalka oo uu Sheekhu ilaa 4 fadhi ku soo koobay si dadweynuhu ay u arkaan in barshada cilmiga diintu ay tahay wax aad u sahlan oo waqti yar wax badan lagu barankaro.

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa qayb gaar ah u samayn doonta xalaqaadkii cilmiga ,Naxwaha , Faraa’idka iyo kan Usuul Fiqhiga ee uu duubay Sheekh Dr Maxamuud C/raxmaan  Hoori inagoo Allaha uga baryeyna in Sheekha uu miisaanka xasanaadka ugu daro cilmiga uu bulshada Soomaaliyeed u faa’iideyey Inaggana allaha naga dhigo kuwa ka Faa’iidaysta kuna camal fala aaaaaaaaaaaaaaamiin.

Hoos ka Dhagayso Darsigii kowaad ee cilmiga Usuul Fiqhiga Shiikh Dr Maxamuud C/raxmaan  Hoori

Hoos ka Dhagayso Darsigii Labaad ee cilmiga Usuul Fiqhiga Shiikh Dr Maxamuud C/raxmaan Hoori


Hoos ka Dhagayso Darsigii 3aad ee cilmiga Usuul Fiqhiga Shiikh Dr Maxamuud C/raxmaan Hoori


Maamulka Halgan.net

8 Comments so far

Leave a comment

  1. Asalaamu calaykum wa raxma tullaahi wa barakaatuhu, bacda salaam: Ilaahay ha idinka abaal mariyo, miisaanka xasanaadkana Ilaahay ha idiin ku daro, casharka fadhiga 1aad ayaan idinka codsanayaa in aad ii soo dirtaan, Alla ha idiinka abaaliyo wanaagga aad faafinaysaan.

  2. a.w.w
    jazaakalah kheeyr diktoor maxamuud c/dirsmaan barjaamijyada uu duuboo kheeyr alaah hakaasiiyo anagana hanagu anfaco aamin
    diktoor maxamud wuxuu barafasoor ka yahay jamacadaha lastar iyo jamacada islaamiga ah diiba ee magalada madina al muna wara.
    kheyr faraban alaah hakusiiyo marlabad shiikh

  3. Cafwan, waxaan mar kasta hilmaamaa inaa Walaalaha shabakada halgan ugu hambalyeeyo dadaalka ay ugu jiraan u gargaarida diinta Allaah iyo ehelkeeda. Ilaahay walaalayaal ha idiinku abaalgudo waxa ugu wanaagsan ee rabi ku abaal mariyo adoomadiisa wanaagsan oo ah Janatul firdows al aclaa iyo aragtida rabi ee maalinka qiyaamo.

  4. Jazaakallaahu Dr.Maxamuud C/raxmaan Ilaahay hakuugu daro miisaankaaga aakhiro. Runtii waxaan soo xusuustay Garoowe xili aad Subxdii noogu akhrin jirtay Kutub fiqhi ah meel guriiga hortiisa ahayd.Ilaahay khayr haku siiyee xalaqaatka noocaan oo kale ah oo waa mid aad u faa’iido badan ee nooga faa’iidee kutub kale inshaa Allaah. Allaah yaxfazka yaa shaykhanaa.

  5. Asc wr wbr Jazaakalaah Sheikh Dr Hoori Waa Noo Faa’idaysay Rabbi hakaa abaal mariyo

  6. بارك الله فيك شيخنا الجليل د محمود عبد الرحمن وجزاك عنا وعن الاسلام خيرا, وجزى الله الاخوة القائمن على هذه الشبكة الماركبة خيرا.

    قل معي
    لا إله الا الله محمد رسول الله
    سبحان الله وبحمده سحبان الله العظيم
    اللهم صلي وسلم على نبينا محمد وعلى ىله وصحبه وسلم

  7. Waxaan kaloo aad ugu mahad celinayaa walaalaha Halgan oo runtii iyagu fursaan ku ah difaaca culimada iyo faafinta cilmiga, Jazaakumulaahu kheyran, howsha halkaa kasii wada.

  8. Jazaakallaahu Kheyran wajacala aljannata mathwaak.Dr Maxamuud Allaha kaa abaal mariyo duruustan qiimaha badan ee usuul alfiqhiga. Waxaan soo jeedin lahaa duruustii hore ee koobnayd in ayadana isku meel lugu uruuriyo. Runtii aad ayaan mar kale kaaga mahad celinaynaa mowduuca aad dooratay oo ah mid aad muhiim u ah, iyo nidaamka kooban oo ku qalabaysan art of technology.

Leave a comment

*