Warbixin Madrasada Al-khayraat ee ku taal magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.(Video+Sawiro)

April 4, 2012 - Written by

Kismaayo:-Waa warbixin kooban oo ku saabsan Madrasada Al-khayraat ee ku taal Magaalada Kismaayo ee xarun ta Gobolka Jubada hoose Madrasada Al-khayraat ayaa waxaa dhigta arday fara badan waxaana la aas aasay sanadka markuu ahaa 2009-bishii 10, waxaana lagu aas aasay ila 2 qol oo ay dhiseen dad muxsiniin ah , waxaana lagu bilaabay arday dhan ilaa 25 ka dib dadaal dheer oo ay sameeyeen dad muxsiniin ah waxaa lagu siyaadiyey ila 2 qol oo kale iyo 2 hool oo weyn.

no images were found

Ilaa intii ay furnayd Madrasada Al-khayraat waxaa ka qalin jabiyey ilaa 34 arday waxaan tiro ahaan Madrasada Al-khayraat dhigta ilaa hadda 385 arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho, dhinac macalimiinta wax ka dhiga  ilaa 9 macalin ,Madrasada Al-khayraat ayaa waxa kale oo leedahay dhul banaan  oo loo waqfay Madrasada  laakiin  u baahan in la dhiso howl wadeenada Madrasada Al-khayraat aysan u haynin wax tabar ah.
Hoos ka Daawo Video yar oo laga soo duubay ardayda dhigta Madrasada Al-khayraat ee magaalada Kismaayo

Qofkii doonaya in uu wax ku saacido Madrasada Al-khayraat fadlan la xiriir Maamulaha Madrasada Al-khayraat Macalim Cabdi raxmaan Cismaan Jaamac kala xidhiidha +252615916079.

Halgan.net
Kismaayo

1 Comment so far

Leave a comment

  1. jazakumllahu khayran waxan idinku bararujin lahaa in waqafka caruurta wax looga dhigo si an meesha ay ku istaagayaan iyo meesha ay ka bilaabayaan an waqaf qabiix ah yacni wanagsaaneyn iyo bad;igaba u dhicin jazakumullahu khayran

Leave a comment

*