Ciidamada Itoobiya oo qarax lagu weeraray magaalada B/weyne xarunta gobolka Hiiraan.
July 17, 2012 - Written byHiiraan: Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa saaka qaraxyo loogu geystay magaalada B/weyne xarunta gobolka Hiiraan
Qaraxa hore ayaa dhacay ka dib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo lugeynaya bariga magaalada B/weyne, lala eegtay qarax miino,kaasoo sida la sheegay geystay khasaare baaxaddiisa aan la garaneyn.
Ciidamo kale oo gurmad ah, ayaa soo gaaray goobta, kuwaasoo iyagana qarax kale uu qabsaday, waxaana jirta in ciidanka Itoobiya ay rasaas aad u badan afarta jiho u rideen.
Dadweynaha ku dhaqan xaafadda ay qaraxyadu ka dhaceen, ayaa waxaa soo wajahday baqdin xoog leh, waxaana jirta in marka ay falalkaan oo kale dhacaan, ay ciidamada Itoobiya dad badan qabqabtaan,kuwaasoo mustaqbalkooda nololeed aan la saadaalin karin.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidanka Itoobiya sidan oo kale qaraxyo loo geysto, waxaana jirta in Itoobiyaanku ayan laheyn afhayeen u hadla oo ka warbixiya khasaaraha ciidankooda gaara iyo howlgallada ay sameeyaan.
Somalireal/Halgan.net