Diyaarado ay leedahay dalka Kenya oo duqeeyey deegaano ka tirsan J/hoose iyo Gedo
July 15, 2012 - Written byKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo ay leedahay dowlada Kenya ay duqeyn ka geysteen shalay deeganka Hoosingow oo ka tirsan gobalka J/hoose waxaana ay duqeynta sababtay khasaaro kala duwan .
Diyaaradaha dowlada Kenya ayaa isla shalay duqeymo kale ka geystay deeganka Baako sidoo kale waxay diyaaradaha Kenya duqeeyeen deegan ku dhow magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo.
Afhayeen u hadlay Ururka Raaskambooni Cabdi Naasir Seeraar ayaa sheegay in duqeymo ka dhacay deeganka Baako oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose ay khasaaro ka soo gaartay Ururka Al-Shabaab ;ilaa haatan ma jiraan masuul ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay Duqeynta ka dhacday deegaano ka tirsan gobalada Gedo iyo J/hoose .
Xildhibaan ka tirsan DFKM oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Geeddi ayaa ku eedeeyay Ciidamada dowlada Kenya in ay kala saari waayeen shacabka rayidka ah ee xoolo dhaqatada ah iyo dagaalyahanada Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay xoolo faro badan ay baabi’iyeen diyaaradaha Kenya ee Duqeeyey deegaanka Baako.
Cabdi Yare
Kismaayo