Sheekh Axmed Nuur aan jawaab ka bixino Fariintii Sh. C/raxmaan iyo Xasan Dhooye oo aan Gurmano
July 30, 2012 - Written byImaamka Masaajidka Abubakar ee Seattle Washington Sh. Axmed Nur oo fariin u diray dad ka Soomaaliyeed meelay joogaanba, Sheikha ayaa ka hadlay in loo gurmado dadka ku dhibaataysan wadankoodii, ugu yaraana bishaan Rammadaan la afuriyo, Sheikha ayaa ku dheeraaday in dadka Muslimiinta ah walaalo yihiin loona baahan yahay sida aan uga daqmanay no, Waalidkeen, walaalaheen, ilmaheena iyo ehelkeena inaan uga daqmano, Sheikha ayaa ku dheeraaday ajarka laga helayo dadka Sooman oo la afuriyo. Fariintaydu waxaa weeye inaan ka jawaabayo hadalka Culimadeeda, Sheikh C/raxmaan Sh. Cumar iyo Sh. Maxamed Idris.
Qofkasta meeshuu joogo ha is xilqaamo, anagu Maraykanka ayaan joognaa horay waan u dadaalay hadana sidii si leeg ayaan yeelaynaa insha allaah. Waxaa iga codsi ah inaan dadkeena u damqano. Ha’yada HARO, waa hay’ad dad masuuliyiin ah oo aan naqaano Masuuliyiin ka yihiin, waa inaan la shaqayno si ay dadkeena wax u gaarsiiyaan, Hadalka iyo Fariimaha sheikha oo aad muhiin u ahaa fadlan hoos ka daawo.
Halgan.net