Weerar khasaaro badan qeystay oo ka dhacay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya
July 1, 2012 - Written byGaarisa:-Wararka ka imaanaya magaalada Garisa ee ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in lagu weerar garneylo kaniisad ku taal magaalada Garisa waxaana ku dhintay 17-qof oo laba ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan oo booliska Kenya waxaana uu dhaawacu gaarayaa 50-ruux .
Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Philip Ndolo ayaa warbaahinta la hadlay goordhow ayaa sheegay in 17 qof ee dhintay dhamaantood la toogtay ka dib markii garneylo lagu weeraray kaniisadaha ku yaal Garisa wuxuu yiri “Dadka dhintay waxaa ku jiray laba sarkaal oo boolis ah, iyo lix haween ah iyo laba rag ah,”
Isbitaalka guud ee magaalada Gaarisa ayaa la geeyey in ka badan 50 ruux oo ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday kaniisadaha :magaalada Gaarisa ayaa ah mid aad u kacsan waxaana lagu soo daadiyey ciidamo aad u tiro badan waxaana ay cabsi la soo daristay dadka Soomaalida ee ku dhaqan magalada iyaga oo ka cabsi qaba in Booliska Kenya ay dhibaateeyaan.
A/Cawale
Halgan.net