Wefdiga uu hogaaminayo Mark Bowden oo soo gaaray magaalada Boosaaso

July 11, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Mark Bowden oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan dhinac gargaarka bini aadminimada ee dalka Soomaaliya. Wefdiga uu hogaaminayo Mark Bowden ayaa waxa ku soo dhaweeyey magaalada Boosaaso  Guddoomiyaha Gobolka Bari , wasiiro ka tirsan xukuumada Puntlland, Xilibaano , Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntlland iyo ganacsato.

Masuuliyiinta Gobolka Bari  iyo wasiirada ka tirsan xukuumada Puntlland ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdiga Mark Bowden waxaan ay markii kulanka uu u dhamaaday ay safar ku tageen xerooyin ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah eek u yaal magaalada Boosaaso.

Wefdiga Mark Bowden ayaa  maalintii shalay waxaa ay safar ku yimaadeen magaalada Garoowe oo ah xarunta Puntlland waxaan ay kulan la qaateen madaxeyunaha Puntlland Dr. C/raxmaan Faroole iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Jen Cabdisamad Cali Shire iyo wasiiro ka tirsan Golaha xukuumada Puntlland.

Ma ah markii ugu horaysay oo uu wafdi uu hogaaminayo xiriiriyaha Qaramada Midoobey u qaabil san dhinac gargaarka bini aadminimada ee Soomaaliya Mark Bowden safar ku soo gaaro Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online