Labo Qarax oo ka dhacay magaalada Garisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya
September 21, 2012 - Written byGarisa:-War goordhow naga soo gaaray magaalada Gaarisa ee xarunta u ah gobolka waqooyi-Bari Kenya ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay wadada loo yaqaaan Kismaayo Road waxaana qaraxa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo boolis ah oo ka tirsan dalka Kenya.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 4askari oo ka tirsan dowlada Kenya waxaana ku dhaawacmay laba qof oo rayid ah oo ku soo xoomay markii uu qaraxa uu dhacay .
Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Garisa oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in laba qarax ay ka dhaceen gudaha magaalada Garisa ayna ku dhinteen 4askari oo Kenyaan ah.
Qaraxa Labaad ayaa waxaa faro cidile uga baxsaday Taliyaha Booliska ee Gobolka waqooyi bari Kenya Philip Tuimur iyo ku xigeenkiisa Richard Ngatia ay goobta kusugnaa markii uu dhacay qaraxii labaad.
Ciidamada Booliska ee magaalada Garisa ayaa durba soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana ay bilaabeen in ay baaraan gawaarida iyo guryaha magaalada Garisa qaarkood.
Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay qaraxa goordhow ka dhacay magaalada Garisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya.
A/Cawale
Halgan.net