Labo Qarax oo ka dhacay magaalada Garisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya

September 21, 2012 - Written by

Garisa:-War goordhow naga soo gaaray magaalada Gaarisa ee xarunta u ah gobolka waqooyi-Bari Kenya ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay wadada loo yaqaaan Kismaayo Road waxaana qaraxa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo boolis ah oo ka tirsan dalka Kenya.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 4askari oo ka tirsan dowlada Kenya waxaana ku dhaawacmay laba qof oo rayid ah oo ku soo xoomay markii uu qaraxa uu dhacay .

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Garisa oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in laba qarax ay ka dhaceen gudaha magaalada Garisa ayna ku dhinteen 4askari oo Kenyaan ah.

Qaraxa Labaad ayaa waxaa faro cidile uga baxsaday Taliyaha Booliska ee Gobolka waqooyi bari Kenya Philip Tuimur iyo ku xigeenkiisa  Richard Ngatia ay goobta kusugnaa markii uu dhacay qaraxii labaad.

Ciidamada Booliska ee magaalada Garisa ayaa durba soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana ay bilaabeen in ay baaraan gawaarida iyo guryaha magaalada Garisa qaarkood.

Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay qaraxa goordhow ka dhacay magaalada Garisa ee xarunta  gobolka Waqooyi Bari Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online