Afhayeenka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Cali Dheer oo shir jaraa’id qabtay

September 18, 2012 - Written by

Kismaayo:-Waxaa maanta Shir jaraaid qabtay  Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo ay baahisay Idaacada ku hadasha Afka ururka Al-shabaab ee Anduls ayaa waxaa uu beeniyey oo waxba kama jiraan uu ku tilmaamay warar ay maalmihii la soo dhaafay ay baahinayeen saxaafada Soomaalida iyo Idaacadaha ku hadla afka Dowllada Federaalka Soomaaliya iyagoo sheegay in ciidanka ururka Al-shabaab ay ka baxeen magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheer ayaa xusay in dagaaladii ka dhacay 4-tii maalmood degaanka Miido iyo degaano kale oo ku teedsan inta u dhexeysa magaalada Kismaayo iyo Afmadow ay khasaaro xooggan ay ku gaarsiiyey ciidanka dalka Kenya iyo weliba ciidamo Soomaali ah oo la socday ayna ku soo rideen diyaarado laga leeyahay dalka Kenya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheer ayaa sheegay in ciidanka huwanta ah ay islahaayeen in si dhaqso ah ay ku tegi doonaa magaalada xeebta ah ee Kismaayo balse arrinkaas ay ku hungoobeen ayna kala kulmeen iska cabin xoogga ciidanka Al-shabaab oo si adag iskaga difaacay ciidanka huwanta ah.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheer ayaa ku goodiyey in ciidanka Kenya aysan si sahlan ku qabsan doonin magaalada Kismaayo balse uu dhiig badan iyo khasaaro ay la kulmi doonaa kuwa duulaanka ku ah magaalada Kismaayo iyadoo buu yiri duulaankoodu uu noqday mid fashilmay.

Dhinac kale Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheer ayaa u mahad celiyey qabaailka la dagaalamay ciidanka Kenya isagoo sheegay in ay taariikh u lahaayeen in ay cadowga la dagaalamaan waan tan buu yiri kaliftay in cadowga ku soo duulay Kismaayo ay qiraan in qabaailku la dagaalamayaan taariikhduna waa idin xusi doonta gaaladuna waa jabi doonaa,Afhayeenka ururka Al-shabaab ayaan si rasmi ah u xusin qabaailka gaarka ah ee la dagaalamay ciidamada huwanta ah ee duulaanka ku ah magaalada Kismaayo wuxuuse ku booriyey dadweynaha in ay u soo duceeyaan Mujaahidiinta.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online