Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadal Bayaankii shalay ee Afhayeenkii Xisbul Islaam[ Dhagayso Bayaankii Al-shabaab 26-03-2012 Sh Xassan Daahir Aweys]

September 25, 2012 - Written by

Afhayeenka ciidanka ururka Al-shabaab  Shiikh Cabdicasiis Abu Muscab oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa waxaa uu sheegay in aysan ururkiisu ogolaan doonin in la kala dhantaalo midowgii ururka Al-shabaab iyo ururka Xisbul islaam ay horay u wada gaareen ayna ka hortagi  doonaa cid walba oo arrinkaas burburinaysa.

Afhayeenka ciidanka ururka Al-shabaab Sh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa xusay in ay jiraan afraad doonaysa in ay xilal ka raadsadaan Dowllada Federaalka Soomaaliya una haysta in awoodii Ururka Al-shabaab ay wiiqantay arrinkaas oo uu ku tilmaamay wax aan jirin. Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cabdicasiis Abu Muscab ayaa ku goodiyey in ay talaabo ka qaadi doonaa cid walba oo isku dayda in ay wiiqdo awooda Midnimadii ururka Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo sababtay in duulaanka dalka lagu yahay si wada jir ah la iskaga difaaco ciidamadii shisheeyey ee dalka ku soo duulayna ay ku hungoobeen duulaankooda qaawan. Ugu danbayntii ayaa Afhayeenka Al-shabaab Sh.Cabdicasiis Abu Muscab waxaa uu xusay in Al-shabaab ay bayaan ka soo saareen 26-03-2012, bayaankaas oo lagu ilaalinayo mid nimada laguna diidayo ururo ama kooxo kala dhantaala Midnimada. Halkaan ka eeg Bayaankii Ururka Al-shabaab ay soo saareen 26-03-2012.

Waxaa xusid mudan in bayaanka uu ka dhawaajiyey  Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cabdicasiis Abu Muscab markii ay soo saareen Ururka Al-shabaab maalmo ka dib uu ka hadlay Shiikh Xassan Daahir Aweys ayna codka Shiikha ay baahisay Halgan.net  isagoo markaas Shiikh Xassan uu cabirayey aragtid diineed ee uu Shiikhu ka qabo bayaanka ay soo saareen ururka Al-shabaab.

Hoos ka Dhagayso Tacliiq Sh Xassan Daahir Aweys oo Halgan.net ay baahisay March 31,2012 oo uu uga hadlay bayaankii al-shabaab ay soo sareen 26-03-2012

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/ShXasan.mp3]  Halkan ka soo rogo

Halkaan ka eeg Warbixinta oo qoraal ah Sh Xasan Daahir aweys oo Naqdiyey Bayaan ka soo baxay Ururka Al-Shabaab(Akhri + Dhageyso  March 31, 2012)

Hoos ka Dhageyso wareysigii uu BBC siiyey Afhayeenkii Xisbul Islaam Maxamed Macalin shalay
[audio:https://halgan.net/Mp3/Maxamed_Macalin.mp3]

A/cawaale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Alla adduunku yaab badanaa, waa dad aan ka waabaneyn dhiigga muslimiinta, waxaan maqli jirey hadii hal naf aad xaqdarro si ula kac ah u disho waxaa lagugu ciqaabaa in boqolaal nafna ay kaala fududaan daqsi aad disho, waxaan taas ula jeedaa hadii nimankaan xisbulislaam ayba xaq u arkeen in masiirkoodu majhuul yahay oo ay meel xun ku socdaan ,wadada lagu socdana ay tahay waddo inxiraaf oo diiniyan ayba ugu qanceen inay ka noqdaan wadadaas ,bal ma waxay ku muteysteen in dhiigooda la xalaashado, oo la yiraahdo wax doorasho ama ikhtiyaar ahba ma lihid….yaa ilaahanaa diintaasi yaa ii micneyn kara , saw ma ahan taasi hawo raacnimo, ma diin iyo aayado baa kusoo degey ninka leh aniga cid aan ahayn soomaaliya goaan kale kama qaadan karo, qof isagiiba gebi kasii laalaada oo naftiisii baxsad la ah sidee buu ku sheegtaa jamaacatal-muslimiin, ilaahayow sawaabka ha na garab marinin…berrina war kalaan maqli doonnaa, ilaahay bummadda soomaaliyeed ha usoo celiyo garashadii iyo caqli ay wax ku miisaanto kooxdaan waxay u egtahay in meel loo watee shabaab ku wardinaya bal tolow ma kitaab aynaan hayn baa iyaga keligood kusoo degey.

Leave a comment

*