Jamaacada al ictisaam bil kitaab wasunnah oo madaxweyne Xasan sheekh u dirtay tahniyad iyo talooyin

September 11, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa dhowaan soo gaaray halgan.net nuqulka bayaan tahniyad iyo isugu jira talo siin oo ay Jamaacada Al-Ictisaam bil bitaabi wassunnah u dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sh. Maxamuud.

Bayaanka oo uu ku saxiixan yahay amiirka jamaacada Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa jamaacadu waxay  si qoto dheer ugu tahniyadeysay madaxweynaha cusub, waxayna ugu duceysay in Ilaahay solonsiiyo talada toosan, iyo in uu ku galladeysto holwadeenno wanwanaagsan.

Intaa kadib jamaacada Altisaam waxay madaxweynaha ugu naseexeyneysaa Alle ka cabsi sir iyo calanba, iyo in uu daacad u ahaado Kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. iyo in danta guud ee dalka uu ka hor mariyo danaha gaarka ah.

Jamaacada Al Ictisaam ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu naseexeysay in uu u doorto xukuumadda la filayo in uu dhiso gole xukuumadeed oo lagu xulay amaano iyo karti sida ku xusan Qur’aanka kariimka ah ( إن خير من استأجرت القوي الأمين)

Jamaacada Ictisaam ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu baaqday hirgelinta mashruuca Islaamiga ah dalka iyo Islaameynta nolosha mujtamaca inuu ka dhigo kan ugu horreeya barnaamijkiisa iyo hagaajinta hey’adaha dowladda gaar ahaan hey’adda garsoorka iyo tan amniga si ay u baahdo cadaaladda oo ah aasaaska ay isku taagaan madaxnimada iyo xasilloonida.

Jamaacadas Al-Ictisaam ayaa sidoo kale kula dardaarantay madaxweynaha in uu u sacyiyo sidii isku fillaansho loo gaari lahaa loogana kaaftoomi lahaa ku tiirsanaanta qeyrkeen, gaar ahaan arrimaha ammaanka, difaaca ilaalinta qaranimada iyo madaxbannaanida dalka.

Jamaacada ayaa ugu dambeyntii kula dardaarantay madaxweynaha  cusub mudane Xasan Sh. Maxamuud in khilaafaatka siyaasadeed uu ku xaliyo si nabadgalyo ah iyo in uu furo albaabada wadahadalka iyo dib u heshiisiin loo dhan yahay si looga baxo dhibaatada dabada dheeraatay ee dalku ku jiro.

Halkaan riix Jamaacada al ictisaam bil kitaab wasunnah oo madaxweyne Xasan sheekh u dirtay tahniyad iyo talooyin

Halgan.net

6 Comments so far

Leave a comment

  1. wa ku mahadsan yihin talada wanaagsan iyo miyir qabka ay muujinayan ictisaam. urur diimeedka somalia saas ayaan uga baahanay in si caqli iyo xikmad ku jirto loo hor mariyo diinta, ee aan qarax iyo waali hadafka islamgiha ah lagu raadin

    • jazaakumullahu khayran waxaan urajeynayaa inuu qaato dardaaranka.somaalidana uga dhigo ninkii sababtiisa ilaahay ugu saari lahaa dhiiqadaan dhibka ah.aamiin.waana ku mahdinayaa walaalaha.

  2. Asc madaxweynaha cusub waxan dageystay asago talo hadakahor u sh.m.umal warbahinta kashegay qaatay marka waxan urajeyna inunoqdo mid culumada iyo waxgaradka toloyinkoda qaato

  3. Taladaas mid qaata ilah haka dhigo somali khilaafkedana midku ku dhaman laha ilah hanoga dhigo kama talo qaata culumadeena sharafta leh aamin

  4. jamaacatul ictisaam bilkitaabi wasunnah waa jamaaco islaamiya oo had iyo jeer kudadaasha islaaxinta umadda iyo unasteexaynta umadda soomaaliyeed alla haka abaal marlyo aamiin

  5. maashaa allaah, ilaahay ha barakeeyo jamaacadaan iyo culimadeeda bal u fiirsada doorka cazizka ee ay cayaaraan ummdaan iyo masaalixdeeda ee xataa ku aadan tala bixinta ay ku talo bixinayso cidda ummaddaan amarkeeda loo dhiibay ee waanada ducada iyo walaalnimada xambaarsan.

    Aaway kuwii fasaadka iyo buhtaanka lagu ibtileeyey ee golaha buhtaanku ugu horreeyeen beribaa la arki doonaa iyaga oo kala jarjarey oo isku dhedhejiyey tahniyadaan oo meel kale u isticmaalaya ilaahay ma badiyo idinka oo kale iyo camalkiinaba ijraamka iyo dulmigu ku dhamaadey.

Leave a comment

*