Beesha caalamka oo taageertay Madaxweynaha cusub ee dowllada Federaalka Soomaaliya

September 11, 2012 - Written by

Madaxweynaha cusub ee dowllada Federaalka Soomaaliya Prof. Xassan Sh. Maxamuud oo shalay lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa xilka loo igmaday waxaa soo dhaweeyey dowllado fara badan oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo EU, Warsaxaadeed ka soo baxay dowlada Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in talaabada doorashada ah ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay tahay talaabo  wanaagsan oo horseedi karta in dib uu u soo noqdo xasiloonidii iyo kala danbayntii ka jiri jirtay dalka Soomaaliya.

Dowllada darsika la ah  ah Soomaaliya sida Itoobiya, Kenya , Jabuuti ,ayaa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
Prof. Xassan Sh. Maxamuud iyagoo sheegay dhamaantood in ay taageeri doonaa dowllada cusub ee Soomaaliya, Dhinac kale ururka IGAD , Jamaacada Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa iyagana soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyagoo sheegay in ay taageeri doonaa dowllada cusub.

Dad badan oo ka faalooda siyaasada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub iyo dowllada uu soo dhisayo ay horumarku talaab san karto haddii ay hishiis dhex dhigto bulshada Soomaaliyeed oo 20 sanno oo u danbeeyey ay dhexmareen dagaalo qabiil iyo colaado joogta ah iyo in ay hishiis iyo wada hadal la furaan ururka Al-shabaab oo iyagu dagaal kula jiray dowlladihii hore iyo ciidanka Ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya oo ay marar badan ku baaqeen in dalka laga saaro.

Ilaa hadda ma jiraa Masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo ka hadlay  Madaxweynaha cusub ee dowllada Federaalka Soomaaliya  Prof. Xassan Sh. Maxamuud iyo mowqifkooda ku aadan is bedelka dhinac hogaanka ee ku dhacay Dowllada Federaalka soomaaliya oo ay taageeraan beesha caalamka iyo ciidanka AMISOM.

A/cawaale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waxaan halkaan ugu hmbalyeynayaa madaxwaynaha cusub ee faderaalka soomaaliya mudane xassan shiikh maxamuud waxaana ilaahay uga baryayaa in xulka culus uu qaaday in uu ilaahay u fududeeyo maadaama ay sugayaan howl aad u farabadan waxaana rajaynayaa in uu ka soobixci doono waajibaadka qaran ee lasaaray wabilaahi towfiiq soomaaliya ha noolaayo

Leave a comment

*