Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada deegaanka Qalimow
September 22, 2012 - Written byJowhar:-Warar saaka naga soo gaaraya Degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar waxaan gawaarida dagaalka ee AMISOM iyo kuwa DFKM ku sugan yihiin deegaanka Qalimow oo u dhexeeya degmada Balcad iyo Jowhar.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa iyaga oo lugeynaya saaka lagu arkay deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha Dhexe waxaana laga cabsi qabaa in uu dagaal ka qarxo Degmada Jowhar oo ay haatan gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.
G/Dhexe Maxamed Maxamuud Saney ayaa saaka warbaahinta u sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar oo ay saacadaha soo socda la wareegi doonaan wuxuuna sheegay in ay u jiraan Jowhar wax ka yar 20KM.
Ciidanka Al-Shabaab ee ku sugan Jowhar ayaa diyaargarow ka wada gudaha magaalada Jowhar .wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay soo gaareen deegaanka Booroow oo 17-km koonfur kaga beegan degmada Jowhar .
A/Cawale
Halgan.net