Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska dalka Nigeria oo soo gaaray magaalada Muqdisho
September 18, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta garoonka Aden Cadde ay ka soo dageen Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska dalka Nigeria kuwaas oo qeyb ka ah ciidanka AMISOM waxaan garoonka ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM.
Taliska Ciidamada AMISOM ayaa warsaxaafadeed uu maanta gaarsiiyey warbaahinta wuxuu ku xaqiijiyey in qeybtii labaad Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska dalkaNigeria ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxayna sheegeen in ay qeyb ka noqon doonaan sugida amniga magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa si rasmi ah uga howlgala xarumaha Booliska ee degmooyinka gobalka Banaadir ciidamo Boolis ah kuwaas oo ka yimid wadamada Ugandha ,Burundi,Jabuuti iyo Nigeria.
Mr.Gaoussou Diarra oo ah Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay sii wadi doonaan caawinta DFS iyaga oo tababar siin doona ciidamada Booliska ee Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo gurmaya ciidamo ka socda wadamada ku midoobay Midowga Afrika iyo IGAD ilaa haatan ma jirto cid si rasmi ah uga warheysa tirada ciidamadaas .
A/Cawale
Halgan.net