Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska dalka Nigeria oo soo gaaray magaalada Muqdisho

September 18, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta garoonka Aden Cadde ay ka soo dageen Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska dalka Nigeria kuwaas oo qeyb ka ah ciidanka AMISOM waxaan garoonka ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa warsaxaafadeed uu maanta gaarsiiyey warbaahinta wuxuu ku xaqiijiyey in qeybtii labaad Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska dalkaNigeria ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxayna sheegeen in ay qeyb ka noqon doonaan sugida amniga magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa si rasmi ah uga howlgala xarumaha Booliska ee degmooyinka gobalka Banaadir ciidamo Boolis ah kuwaas oo ka yimid wadamada Ugandha ,Burundi,Jabuuti iyo Nigeria.

Mr.Gaoussou Diarra oo ah Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay sii wadi doonaan caawinta DFS iyaga oo tababar siin doona ciidamada Booliska ee Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo gurmaya ciidamo ka socda wadamada ku midoobay Midowga Afrika iyo IGAD ilaa haatan ma jirto cid si rasmi ah uga warheysa tirada ciidamadaas .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online