Golaha Dacwada Al-bayaan iyo Shirka Shuurada ee 10-aad oo ka dhacay magaalada Cape Town
September 17, 2012 - Written byWaxaa soo dhamaaday shirkii shuurada ee Tobnaad kaasoo lagu qabtay magaalada Cape Town, iyadoo gudiyada laga dhagaystay warbixino kala duwan oo ku aadan waxqabadkooda sanadkii la soo dhaafay.Golaha dacwada ee Albayaan waa gole balaadhan oo ka shaqeeya arrimaha dacwada tacliinta iyo wacyigalinta bulshada soomaaliyeed, wuxuuna leeyahay Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen, xoghaye guud iyo Gole Shuuro, goluhu wuxuu ka howl galaa Afrikada Koonfureed, waxaana saldhig u ah Koonfur Afrika.
Wuxuuna maamulaa ilaa 19 masjid oo isugu jira kuwo waawayn iyo yaryar, 13 madaraso, 5 markaz oo si rasmi ah ay mulkigooda u leeyihiin umadda soomaaliyeed. Goluhu wuxuu leeyahay guddi fulineed oo si joogta ah u shaqeeya xafiisyo rasmi ahna leh iyo gole shuuro oo sanadkiiba mar ku kulma marba mid ka mida xurumaha waaweyn ee dalkan si loo qiimeeyo go,aamada la gaadho wixii fulay iyo wixii fuli waayay mudada u dhaxaysay labada shir,iyo waliba in lala xisaabtamo gudiga fulinta,turxaan bixinta dhaliilaha jira iyo jaangooynta miisaaniyad sanadeedka golaha oo dhan iyo gobolladaba.
no images were found
Hadaba shirka hadda dhamaaday oo ah kii 10aad qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay waxa ka mid ahaa:
- Sii xoojinta howshii socotay.
- In la dhamaystiro maraakizta qabyada ah.
- In tayada aqooneed ee ducaadda iyo macalimiinta sare loo qaado lana siiyo tababarro dheeri ah.
- In ganacsatada soomaaliyeed ee ku nool dhulka amni ahaanta halista ah la siiyo wacyigalin joogta ah.
- In la xoojiyo xidhiidhka bulshada aan la noolahay shacab iyo xukuumadba.
Ugu danbayn waxaa xusid mudan in shirkanu uu ku soo aaday xilli isbadallo muuqda ay ku soo kordheen wadankeennii Somaliya.Golaha dacwada ee al bayaan wuxuu soo dhowaynayaa isbadalka siyaasadeed ee socda waxaanan la wadaagnaa dareenkaas shacabka soomaaliyeed intiisa badan, waxaanan u dardaarmaynaa dhamaan dadka taladu ka go’do Alla ka cabsi amaano, daacadnimo, caddaalad, naxariis iyo in danta dadka iyo dalka ay ka hormariyaan danaha shisheeyaha, iyo wixii khilaaf ah ee u dhexeeya umadda Soomaaliyeed intii suurogal ah lagu dhameeyo wada hadal
Guud ahaanna umadda somaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa meel ay joogtaba in aan ka wada shaqayno sidii aan ku xaqiijin lahayn midnimada umadda iyo sidaan ku gaadhi lahayn dalkeena oo si kama danbays ah ugu madax banaan amnigiisa, siyaasadiisa iyo dhaqaalihiisaba.
Xafiiska Warfaafinta Albayaan
17 September 2012