Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xassan Sh Maxamuud oo ka badbaaday isku day dil
September 12, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhowayd la weeraray Hotelka Al Jazeera oo uu degan yahay Madaxweynaha Cusub ee DFS waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in ay jiraan khasaaro kala duwan .
Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Halgan.net u sheegay in afaafka hore ee Hotelka Al Jazeera laga maqalay qarax weyn waxaana sidoo kale burbur uu soo gaaray gawaari Tikniko ah oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM oo ilaalo ka hayey Hotelka.
Waxaa Hotelka Al Jazeera hortiisa yaala laba nin oo meyd ah kuwaasi oo loo maleynayo kuwii isku qarxiyey afafka hore ee Hotelka .
Ciidanka AMISOM ee waardiyaha ka hayey Hotel Al-Jazeera ayaa furay rasaas badan taas oo sababtay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Wixii soo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah.
A/Cawale
Halgan.net