Madaxweynaha JFS oo la kulmay wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga ah ee dalka Sweden
September 18, 2012 - Written byMogadishu:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga ah ee dalka Sweden Gunilla Carlsson iyo xiriiriyaha arrimaha bani’aadam nimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden.
Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Gunilla Carlsson ayaa ka wada hadlay isbeddelka dalka ka jira iyo dowrka beesha caalamka, ayadoo diiradda la saaray in dowladda Soomaliya ay si toos ah ula macaamisho dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah. “Waxaan aad iyo aad uga wada hadalnay in sidii hore ee Soomaaliya loo kaalmeyn jiray ama loola shaqeyn jiray wax badan laga beddelo oo dowladda si toos ah loola macaamilo, maadaama hadda xilligii ku meel gaarka ahaa aan ka soo baxnay, taasna way ballan qaadeen” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Xiriiriyaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden oo uu uga war bixiyay duruufaha dalka ka jira oo ay ka mid tahay xaaladda Bani’aadamnimada iyo sida ay tahay in loo wajaho. “Aad iyo aad ayaan ugu faah faahinay uguna caddeynay in wixii ka sokeeya in dowladda toos loola shaqeeyo aysan waxtar badan u lahaaneynin Soomaaliya, ayaguna way nala qaateen wayna nala fahmeen” ayuu yiri madaxweynuhu.
– Dhamaad –
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia