Madaxweynaha JFS oo la kulmay wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga ah ee dalka Sweden

September 18, 2012 - Written by

Mogadishu:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga ah ee dalka Sweden Gunilla Carlsson iyo xiriiriyaha arrimaha bani’aadam nimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Gunilla Carlsson ayaa ka wada hadlay isbeddelka dalka ka jira iyo dowrka beesha caalamka, ayadoo diiradda la saaray in dowladda Soomaliya ay si toos ah ula macaamisho dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah. “Waxaan aad iyo aad uga wada hadalnay in sidii hore ee Soomaaliya loo kaalmeyn jiray ama loola shaqeyn jiray wax badan laga beddelo oo dowladda si toos ah loola macaamilo, maadaama hadda xilligii ku meel gaarka ahaa aan ka soo baxnay, taasna way ballan qaadeen” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Xiriiriyaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden oo uu uga war bixiyay duruufaha dalka ka jira oo ay ka mid tahay xaaladda Bani’aadamnimada iyo sida ay tahay in loo wajaho. “Aad iyo aad ayaan ugu faah faahinay uguna caddeynay in wixii ka sokeeya in dowladda toos loola shaqeeyo aysan waxtar badan u lahaaneynin Soomaaliya,  ayaguna way nala qaateen wayna nala fahmeen” ayuu yiri madaxweynuhu.

–  Dhamaad –

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia

media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online