Madaxweynaha JFS Xassan Sh. Maxamuud oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Muqdisho
September 21, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa.id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu uga hadlay qaraxii ka dhacay Baar Village oo ku yaalla meel aan sidaas uga fogeyn gurigii hore ee haweenka iyo tiyaatarkii Muqdisho.
Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa falkii qarax ahaa waxaa uu ku tilmaamay in lala beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ku sugnaa Baar Village oo ku caweynayey waqtiga qarax lala beegsaday.
Madaxweynaha JFS Xassan Sh. Maxamuud ayaa yiri ” falka qarax ah ee lala eegtay dadkii ku sugnaa Baar Village waa arrin xag alle dambi ka ah laguna dabar goynayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan isagoo ku goodiyey in kooxda falalkaan fulisay uu waqtigeedu yahay mid gabaasi ah dowlladiisuna ay ka hortagi doonto falalka caynkaan ah.”
Madaxweynaha JFS Xassan Sh Maxamuud ayaa ku celceliyey in dowlladiisu aysan ka leexan doonin hadafkooda dowlladnimo iyo in umada Soomaaliyeedna ay diyaar u tahay dowladnimo si walba oo qarax iyo baabin loola beegsado dadka rayidka ah. Kooxda qarax geystay ayaa waxaa uu Xassan Sheekh Maxamuud uu ku tilmaamay kuwa aduun iyo aakhiro ka quustay.
Qarax xalay ka dhacay Baar Village ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay wariyaal badan oo ku shaahaynayey iyo dad kale oo rayid ah , dadka ku dhintay ayaa gaaraya ilaa 25 qof halka dhaawacu uu yahay mid badan, dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa aad uga naxay qaraxii xalay lagu laayey wariyaal ka howl gala idaacadaha kale duwan ee Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net