Madaxweynaha JFS Xassan Sh. Maxamuud oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Muqdisho

September 21, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa.id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu uga hadlay qaraxii ka dhacay Baar Village oo ku yaalla meel aan sidaas uga fogeyn gurigii hore ee haweenka iyo tiyaatarkii Muqdisho.

Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa falkii qarax ahaa waxaa uu ku tilmaamay in lala beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ku sugnaa Baar Village oo ku caweynayey waqtiga qarax lala beegsaday.

Madaxweynaha JFS Xassan Sh. Maxamuud ayaa yiri  ” falka qarax ah ee lala eegtay dadkii ku sugnaa Baar Village waa arrin xag alle dambi ka ah laguna dabar goynayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan isagoo ku goodiyey in kooxda falalkaan fulisay uu waqtigeedu yahay mid gabaasi ah dowlladiisuna ay ka hortagi doonto falalka caynkaan ah.”

Madaxweynaha JFS Xassan Sh Maxamuud ayaa ku celceliyey in dowlladiisu aysan ka leexan doonin hadafkooda dowlladnimo iyo in umada Soomaaliyeedna ay diyaar u tahay dowladnimo si walba oo qarax iyo baabin loola beegsado dadka rayidka ah. Kooxda qarax geystay ayaa waxaa uu Xassan Sheekh Maxamuud uu ku tilmaamay kuwa aduun iyo aakhiro ka quustay.

Qarax xalay ka dhacay Baar Village ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay wariyaal badan oo ku shaahaynayey  iyo dad kale oo rayid ah , dadka ku dhintay ayaa gaaraya ilaa 25 qof halka dhaawacu uu yahay mid badan, dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa aad uga naxay qaraxii xalay lagu laayey wariyaal ka howl gala idaacadaha kale duwan ee Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online