Maraakiib dagaal oo ay leedahay dowlada Kenya oo Duqeeyey saaka magaalada Kismaayo

September 26, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in dhowr gantaal ay soo tuureen maraakiib ku sugan xeebaha magaalada Kismaayo kuwaas oo loo badinayo in laga leeyahay dalka Kenya.

Mid ka mid ah ducaada magaalada Kismaayo ayaa khadka Telka kula soo xiriiray Halgan.net ayaa sheegay in dhowr gantaal ay magaalada ku soo tuureen saaka maraakiibta dagaalka ee dalka Kenya wuxuuna sheegay in wili aan la aqoon cida wax ku noqotay waxaana jawaab ka bixiyey ciidamada Al-Shabaab ee ku sugan Dekkada magaalada Kismaayo iyo garoonka Diyaaradaha .

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo wajahday cabsi ay ka qabaan in ay ku soo habsadaan Gantaalada iyo madaafiicda ay iska tuurayaan ciidamada Kenya iyaga oo si bareer ah u bartilmaasanaya shacabka rayidka ah ee ku dhaqan gobalka J/hoose ka dib markii ay ku fashilmeen in ay soo jiiraan difaacyada ciidamada Al-Shabaab.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa saaka gaafwareegaya magaalada Kismaayo iyaga oo ugu baaqay shacabka in ay is dajiyaan .mid ka mid ah saraakiiisha Al-Shabaab ee gobalka J/hoose ayaa sheegay in ay diyaarsheen farsamooyin ay ku naafeyn doonaan ciidamada Kenya ee duulaanka ku soo ah magaalada Kismaayo.

Cabdi yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online