Musharrixiinta Madaxtinimada DFS oo Ololohoodii ugu dambeeyey ka wada Muqdisho.
September 9, 2012 - Written byMuqdisho:-Musharrixiinta ayaa maanta xafiisyadooda waxaa ka jira mashquul kii ugu darnaa, iyadoona teleefoon diridda iyo fariin isu gudbinta ay heerkii ugu sareysay gaartay.
Sidoo kale Musharrixiinta qaarkood, ayaa waxaa loo saameeyey banaanbaxyo lagu taageerayo, iyadoona gawaari lagu rakibay cod baahiyaal iyo sawirada Musharrixiinta ay dhex meereysanayeen waddooyinka caasimadda Muqdisho, waxaana xamaasadda doorashada ay maanta ilaa iyo caawa aheyd mid aan caadi aheyn.
Sidoo kale waxaa Muqdisho, maanta ka dhacday xaflad balaaran oo lagu taageerayey Shariif Sh. Axmed, waxaana xafladdaas ka soo qeyb galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cali Maxamed Geeddi iyo Shariif Xasan Sh Aadan, kuwaasoo u ololeynayey Shariif Sh Axmed xil doonnimadiisa.
Dhinaca dadweynaha Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan ayaa dareenkoodu ku sii jeedaa Muqdisho, iyadoona qof walba uu la xiriirayo cidda uu la xiriiri karo, isla markaana isku si ay wax u arkaan, waxaana intaas dheer sida Soomaalidu ula socoto warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Ugu dambeyntii: maalinta berri ah ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay dooran doonaan Madaxweynaha dalka, waxaana xilkaas u baratamaya ilaa dhowr iyo labaatan musharrax, kuwaasoo ku kala bixi doona halka ay codkooda ugu badan siiyaan xildhibaanada baarlamaanka
Halgan.net
Somalireal