Qarax ka dhacay Kiniisad xaafadda Islii ku taala iyo dad ka careysan oo Masaajid weeraray
September 30, 2012 - Written byNairobi:-Kiniisad ku taalada xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii, magaalada Nairobi, ayaa qarax ka dhacay waxa uu geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.Qaraxa, ayaa ka dhashay bam nooca gacanta laga tuuro, kaasoo lagu riday Kiniisad ku taala Nairobi, waxaana ku dhintay ilmo yar, ilaa 7 kalena waa ku dhaawacmeen, iyadoona maanta ay aheyd maalin Axad ah oo dadka Kirishtaanka ah ay Kiniisadaha ku cibaadeytaan.
Markii qaraxaasi dhacay, ayaa dad Kenyaan ah oo careysan waxay ku soo qamaameen Masaajidka Amiin ee ku yaala xaafadda Juja Road, halkaasna waxaa ka dhacay iska horimaad u dhexeeyey dadkii weerarka ahaa iyo Soomaalida, iyadoona dhaqxaan iyo qalabta kale ee aan dhicin laysaga horyimid.
Dadka Soomaaliyeed, ayaa markii ay dhacdadaasi dhacday iyagoon wax hubsanin ku kala yaacay xaafadaha, waxaana la xiray suuqyada ku yaala xaafadda Islii, iyadoona mar dambe la ogaaday sida wax u dhaceen, dadkii Kenyaanka ahaana dib ayaa loo celiyey, mana jirto khasaare buuran oo dadka soo gaaray, marka laga reebo dad dusha iska maray xiligii la kala cararayey.
Waxaa jirta baqdin laga qabo in xaaladdu isu beddesho dagaal u dhexeeya Kiniisadaha iyo Masaajidda, iyadoo cidda Kiniisadaha weerartay aan la ogeyn ilaa iyo hadda, waxaana xusid mudan in Culimada dalka Kenya ay horey uga digeen in la abuuro dagaal u dhexeeya dadka kala diimaha ah ee Kenya ku wada dhaqan.
Somalireal/Halgan.net
Nairobi