Qarax ka dhacay Kiniisad xaafadda Islii ku taala iyo dad ka careysan oo Masaajid weeraray

September 30, 2012 - Written by

Nairobi:-Kiniisad ku taalada xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii, magaalada Nairobi, ayaa  qarax ka dhacay waxa uu geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.Qaraxa, ayaa ka dhashay bam nooca gacanta laga tuuro, kaasoo lagu riday Kiniisad ku taala Nairobi, waxaana ku dhintay ilmo yar, ilaa 7 kalena waa ku dhaawacmeen, iyadoona maanta ay aheyd maalin Axad ah oo dadka Kirishtaanka ah ay Kiniisadaha ku cibaadeytaan.

Markii qaraxaasi dhacay, ayaa dad Kenyaan ah oo careysan waxay ku soo qamaameen Masaajidka Amiin ee ku yaala xaafadda Juja Road, halkaasna waxaa ka dhacay iska horimaad u dhexeeyey dadkii weerarka ahaa iyo Soomaalida, iyadoona dhaqxaan iyo qalabta kale ee aan dhicin laysaga horyimid.

Dadka Soomaaliyeed, ayaa markii ay dhacdadaasi dhacday iyagoon wax hubsanin ku kala yaacay xaafadaha, waxaana la xiray suuqyada ku yaala xaafadda Islii, iyadoona mar dambe la ogaaday sida wax u dhaceen, dadkii Kenyaanka ahaana dib ayaa loo celiyey, mana jirto khasaare buuran oo dadka soo gaaray, marka laga reebo dad dusha iska maray xiligii la kala cararayey.

Waxaa jirta baqdin laga qabo in xaaladdu isu beddesho dagaal u dhexeeya Kiniisadaha iyo Masaajidda, iyadoo cidda Kiniisadaha weerartay aan la ogeyn ilaa iyo hadda, waxaana xusid mudan in Culimada dalka Kenya ay horey uga digeen in la abuuro dagaal u dhexeeya dadka kala diimaha ah ee Kenya ku wada dhaqan.

Somalireal/Halgan.net
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online