Hordhac muxaadarooyin taxane ah uu jeedin doono Sheekh Cabdiraxmaan Abyad (Dhageyso)

September 27, 2012 - Written by

Sh.C/raxmaan Abyad  ayaa caawa muxaadarooyin taxane ah ka bilaabay Masjidka Al-tawxiid wuxuuna Sheekhu cinwaan uga dhigay muxaadaraadkiisa taxanaha ah رفع الشغب والجدل  عن المسائل العلمية في محاضرة “فكر الخوارج” للشيخ أمل waxaa uu Muxaadarada caawa sheekhu ku soo bandhigay muqadi mada ama hordhaca muxaadaradiisa Muxaadarada Sheekh C/raxmaan Abyad ayaa caawa wuxuu si qodobeysan u dulistaagay muxaadaraad uu jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal taas oo uu ka jeediyey Masjidka Abu bakar iyada uu Sh Xasan ka jawaabay muxaadaraadka Sheekh Umal.

Sh Cabdiraxmaan Abyad ayaa ku booriyey dadka muslimiinta ah gaar ahaan Dalabad cilmiga in ay  alle laga baqo oo qofka wax uu sheego uu ogaado in ay xisaab ka danbayso waxna aysan tarayn in qofku uu ku dhaganaado mowqif khilaafsan shareecada  ka dibna ay sabab u n0qoto in uu wax walba oo xaq ah uu ka indho laabto.

Sh Cabdiraxmaan Abyad ayaa waxaa uu ku xusay Muxaadaro gaaban oo hordhac oo uu caawa jeediyey in u jeedadda muxaadaradiisu ay tahay in Muxaadaradii Sh Xassaan Xuseen uu jeediyey ay ku jirtay  hadalo badan oo ay dadka gaar ahaan Dalabada cilmiga ay u qaadan karaan in cilmi badan la sheegay ka dibna ay arrinkaas ku kadsoomaan loona baahan yahay in la iftiimiyo ama la dulistaago.

Sh Cabdiraxmaan Abyada ayaa xusay in muxaadaradii uu jeediyey Sh Umal laga sheegay wax badan oo uusan Sheekhu oran loona tiiriyey Shiikhu Umal arrinkaas oo ay haboon tahay in la bayaamiyo si ducaada iyo dadka kaleba ay u arkaan , Shiikh Cabdiraxmaan Abyad ayaa sheegay in muxaadaradaan uu geli lahaa waqti hore balse safaro uu galay ay dib u dhacday balse alle mahadiis ay tahay in alle u fududeeyey hadda.

Sh Xassaan Xuseen ayaa dhowr xalqo oo muxaadaraad ah  uu sheegay in ay jawaab u tahay muxaadaraadkii Shiikh Maxamed Cabdi Umal waxaa uu ugu magacdaray القول الأمين في صدي العدوان المبين  oo loola jeedo  ‘Hadalkii amiinka ahaa ee radinaayay Cadaawadii Cadayd” haddaba Muxadaarad Sh  Xassan Xuseen ayaa waxaa dul istaagay Sh Cabdiraxmaan Abyad oo sheegay in ay muxaadarada Shiikh Xasaan ay uga soo baxeen arrimo badan oo u baahan in la bayaaniyo isagoo Shiikhu uu xusay inuu arrimahaas uu ku soo bandhigi doono muxaadaraadkiisa si dadka dalabada cilmiga ah ay ula socdaan Masaa’isha diiniga ah ee la isku hayo oo ah.

1- Gaalaysiinta dadka muslimiinta ah

2- Amaanada cilmiga waa qaabka uu qofku u soo rarayo culimadii hore ee Salafka aqwaashooda.

3- In Aqwaasha culimada laga leexiyo dariiqoodii ama lagu been abuurto.

4- Gaalaysiinti Jamaacad Ictisaam jawaabtii uu ka bixiyey Sh Xassan Xuseen.

5- Jamaacadii Takfiir , Sh Maxamed Cabdi Wahaab iyo wax uu ka yiri Sh Xassaan Xuseen.

6- Aqwaashii culimada uu ka soo raray Sh Xassaan Xuseen dulistaagooda.


Hoos ka Dhageyso Hordhicii Muxaadaradii uu Sheekh C/raxmaan Abyad ka jeedshay Masjid Al-tawxiid
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/muqadimo.mp3] Ama  Halkan MP3

N:B waxaan ka cudurdaaraneynaa daahitaanka Muxaadarada Sheekh C/raxmaan Abyad cilad xaga seerfaha ah awgeed ilaahay ha nagu anfaco xaqa dhinaca uu jirana ha nagu hanuuniyo Aaamiin.


Halgan.net

Leave a comment

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online