Shirweynihii 12aad ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnessota oo xalay soo idlaaday

September 4, 2012 - Written by
Minneapolis:-Waxaa xalay soo gabagaboobey shirweynihii 12aad ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnessota oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Imaamyada Waqooyiga America iyo Masjid Abubaker Minnepis, kasoo socday saddex maalmood 31 Aug ilaa 2 Sep. waxaa shirka ka baxay muxaadarooyin ku baxay afsoomaali iyo af ingiriisi oo ay soo jeedinayeen Culimo Somali iyo Qeyrkood isugu jira, waxayna ka socotey isku hal mar laba hool oo shirarka.
 
Shirka waxaa lagu qabtaa xarunta shirarka ee bartamaha Minneapolis ( Minnepolis Convention Center) taasoo 3dii maalmood ee lasoo dhaafay noqotay xijaab iyo cimaamad. Laga bilaabo 12 duhurnimo ilaa 12 habeenimo waa 12 saacadood oo xiriir ah, ayna u dhexeysa salaadaha iyo waqtiyaasha cuntada iyo biririfta.
 
Waxaa shirka ku jirey qalinjebinta:
1) Ardayda Dugsiyada  196 arday oo xufaad ah
2) Qalinjebinta hooyooyinka
3) Bandhiga ardayda Machadka daraasaadka Islaamiga ee Abubakar Assadiq kasoo loogu tala galay inuu ducaadda iyo imaamyada soo saaro, (2) sano, laguna barto culuumta sharcigaa.
 
Waxaa shirka garab socdey maktabado, hay,ado samafal, ganacsi kala duwan oo dadka jaaliyadda ay soo bandhigeen miisaskood.
 
Waxaa kalmad kooban iyana ka jeedisey Senatorada Minnesota Amy Klobuchar, iyadoo ku nuux nuuxsatey Soomaalida iyo Muslimiinta xuquuqda iney helaan iney taageersan tahay.
 
Waxaa xafladii khitaamka gabay af carabi ah oo uu soomaalida reer Minnesota ku amaanayo sidey Islaamka u muujiyeen, soo jeediyey Sh. cukaasha oo u dhashay dalka Ghana, imaam ka ah magaalada Philadelphia, isagoo safar xagga dhulka ah usoo maray ilaa dhawr iyo toban saacadood.
 
Waxaa isna kalmad jeediyey Sh. Abu Usama Al Dahabi, oo Imaam ka ah Masjidka Green Lane ee Magaalada Birmingham dalka ingiriiska, una dhashay Maraykanka, halkaasoo uu shirka uga imaaday.
 
Sh. Maxamed  Idris iyo Sh. Cabdirahman Sh Cumar ayaa ardayda ijaazadii xifdinta Qur,aanka Riwaayadda Xafs Can Caasim, gudoonsiiyey abaalmarino .Masawirada iyo Codadka Muxaadaraadka Culumada dib baan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah
 
Halgan.net
Minneapolis

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Allah ha barakeeyo Culimada,ducaada, iyo dhamaan muslimiinta. Waa wax lagu farxoh. Allah bana mahadaas leh kabacdina Culimada,ducaada, iyo dhamaan inta khayrka ka qayb qaadata. Allah Culimada hanoo xifdiyo iyo dadka kaleba. ameen. thuma ameen. Wajazaka allah khayran.

  2. Asalamu alaikum ool masha allaah nuur 3ala nuur ilahey hano xafido culumadeena rabaaniyiinta ah dhamaantood halgan.net waad ku mahadsantihiin khitmada daalka laheen eed xaqqa noogu so gudbisaan

Leave a comment

*