Taliye ku xigeenka ciidanka booliska dowllada Puntland Col.Muxyidiin Axmed oo ka hadlay amaanka Gaalkacyo

September 18, 2012 - Written by

Ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo ee Puntlland ayaa waxaa ay howl galo ay sameeyeen waxaa ay ku soo qabteen dad gaaraya ilaa 100 qof iyagoo dadkaan laga soo qabtay xaafadaha kale duwan iyo Hotelada Gaalkacyo. Ciidanka Booliska Gaalkacyo oo ay horkacayaan Saraakiil ciidan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay qabteen maandoori yaal badan iyo hub sharci daro ah iyagoo dadkii arrimahaas lagu qabtayna hadda lagu hayo saldhiga weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Col.Muxyidiin Axmed Nuur oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in amaanka  guud ee magaalada Gaalkacyo uu yahay mid sugan in badana dadkii ka fulin jiray dilalka iyo qaraxyada la qabtay qaar kalena lagu raad joogo. Taliye ku xigeenka ciidanka booliska dowllada Puntland Col.Muxyidiin Axmed Nuur ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Puntlland guud ahaan gaar ahaan dad wey naha reer magaalada Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka si loo adkeeyo amaankooda loogana hortago kuwa doonaya in ay wax u dhimaan nabadgelyada iyo xasiloonida Puntlland.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Col.Muxyidiin Axmed Nuur ayaa waxaa kale oo ugu baaqay ganacsatada iyo dadweynaha kaleba in ay ka foojig naadaan dadka ay ka kiraynayaan guryahooda iyo Hoteeladooda qof walbana uu isagu masuul ka yahay gurigiisa iyo Hoteelkiisa.

Ugu danbayntii ayaa Taliye ku xigeenka ciidanka booliska dowllada Puntland Col.Muxyidiin Axmed Nuur waxaa uu sheegay in ciidanka Booliska iyo laamaha kale ee amaanka ay sii wadi doonaa howl galka ilaa amaanka Gobolka Mudug si looga hortago khatar kasta oo wax u dhimi kara amaanka Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online