Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Garoowe
September 23, 2012 - Written byWaxaa saaka gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntlland Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan iyo wafdi uu hogaaminayo. Wafdiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Garoowe Madaxda ugu saraysa ee dowllada Puntlland.
Wafdiga uu hogaaminayo Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan ayaa waxaa ay u gudbeen Xarunta Madax tooyada ee Puntlland waxaan ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo xubno ka tirsan 2-da Gole ee dowlada Puntlland.
Kulan dhexmaray Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan iyo Madaxweynah Puntlland ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada dalka Soomaaliya guud ahaan iyo Xaalada Puntlland. Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo saxaafada uga waramay kulankii dhexmaray isaga iyo Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan in uu ahaa mid is waraysi ah iyo kala warqaadasho ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub EU Puntlland iyo Soomaaliya.
Faahfaahinta warka dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha Allaahu
M_M_Deeq
Halgan.net