Wariye Xassan Yuusuf Absuge oo goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho
September 21, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa saaka mar kale lagu dilay allaha u naxariistee magaalada Muqdisho Wariye Xassan Yuusuf Absuge oo ahaa wariye ka howl gali jiray Idaacada Radio Muqdisho balse markii danbe u soo wareegay Idaacada Maanta . Allaha u naxariistee Wariye Xassan Yuusuf Absuge ayaa waxaa toogtay koox hubaysan oo dhagarqabayaal ah oo markii dilka ay u geysteen ka baxsaday goobta, wariyaha ayaa la dillay xili uu watay gaarigiisa kuna sii jeeda gurigiisa oo ku yaal xaafadda Jeneraal Daa’uud ee degmada Yaaqshiid.
Dilka Wariye Xassan Yuusuf Absuge ayaa ku soo beegmaya xili shalay qarax miino ah lagu weeraray Baar Village oo ay ku shaahay nayeen wariyaasha ka howl gala idaacadaha kale duwan ee magaalada Muqdisho iyo dad rayid ah iyadoo wariyaal iyo dad kale oo goobta ku sugnaa ay geeriyoodeen.
A/cawaale
Halgan.net