Wariye Xassan Yuusuf Absuge oo goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho

September 21, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa saaka mar kale lagu dilay allaha u naxariistee magaalada Muqdisho Wariye Xassan Yuusuf Absuge oo ahaa wariye ka howl gali jiray Idaacada  Radio Muqdisho balse markii danbe u soo wareegay Idaacada Maanta . Allaha u naxariistee Wariye Xassan Yuusuf Absuge ayaa waxaa toogtay koox hubaysan oo dhagarqabayaal ah oo markii dilka ay u geysteen ka baxsaday goobta, wariyaha ayaa la dillay  xili uu watay gaarigiisa kuna sii jeeda gurigiisa oo ku yaal xaafadda Jeneraal Daa’uud ee degmada Yaaqshiid.

Dilka Wariye Xassan Yuusuf Absuge ayaa ku soo beegmaya xili shalay qarax miino ah lagu weeraray Baar Village oo ay ku shaahay nayeen wariyaasha ka howl gala idaacadaha kale duwan ee magaalada Muqdisho iyo dad rayid ah iyadoo wariyaal iyo dad kale oo  goobta ku sugnaa ay geeriyoodeen.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online