Xog ku saabsan Xaalka Imaamkii Masjidka Ansaar Sh.Maxamed Khadar iyo culimo la xiran

September 25, 2012 - Written by

Sida aad la wada socoteenba waxaa in mudo ah ku xirnaa Magaalada San Diego ee gobalka California ee cariga Maraykanka, imaamkii Masajidka al-ansaar Shiikh Maxamed Khadar iyo culimo kale oo la xirnayd, culimadaas oo lagu eedeeyey sidda ay sheegeen hayaddaha amniga u qaabilsan wadanka Maraykanka iyo in ay xiriir lalahaayeen kooxaha ka dagaalama Soomaaliya.

Sh Maxamed Khadar iyo Walaalaha culimada ah ayaa arinkaas iska fogeeyey, kuna tilmaameen arrin u jeedo kale laga leeyahay, shaqana aysan ku lahayn waxa ka socda Soomaaliya, wax xiriir ahna aysan la lahayn kooxaha lagu eedeeyay. Sidoo kale waxaan dhawr jeer oo hore idiin soo gudbiyey, warbixinta walaalaha iyo inaysan wali keenin qolyihii soo eedeeyey wax cadaymo ah. Waxaan maanta idiin soo gudbinayaa warbixintan kooban xaaladii ugu danbaysay ee arinka Walaalaha:-

XAGA CAAFIMAAD KOODA.Walaalaha wuu wanaagsan yahay caafimaad kooda guud ahaan,Marka laga reebo Sh. Ciise oo xanuun dhabarka ah oo in muda ahba hayay uu mar mar ku soo kaco. Waxaana sababaya waad dareemi kartaan, qof xabsi kujiro oo jiifkiisu uu yahay,shamiito gogol aysan saarnayn,ama haday saarantahayna aytahay midaan waxba ka celinaynin. Dhinaca muraalka walaaluhu waa wanaagsan yahiin, runtii waxaa ka muuqday sabar iyo isku kal soonaan wayn,iyagoo rumaysan qadarta allaah. Bal waxay waqti uheleen aqrinta qur’aanka kariimka ah sida uu telefonka iigu sheegay sheikh Maxamed khaddar waxaaba u suura gashay inay dacwada ka fuliyaan xabsiyada dhaxdooda, waxaana ku soo Islaamay sheikh gacantiisa maxaabiis uu sheikh u bandhigay dacwada.

XAGA MAXKAMADOODA WALAALAHA MEESHAY MARAYSO.

Marar badan ayaa walaalaha lakeenay maxkamad,mar walbana waxay codsanayeen qolyaha soo eedeeyey walaalaha in dib loogu dhigo maxkamada si ay u soo dhamaystirtaan cadaymo ka dhiman dacwadooda. Ugu yaraan ilaa 5 jeer ayaa lakeenay walaalaha maxkamad mase dhicin in dacwada sitoos ah loo dhexgalo. Sidoo kale Mararna waxaaba codsanayey in dib loo dhigo maxkamada Qareenada difaacayay walaalaha, iyagoo doonayey inay dib u eegaan, waxyaabaha ay ku soo eedeeyeen walaalaha,iyagoo xaataa u galay safar banaanka ah si ay uga salgaaraan cadaymaha ay sheegeen inay hayaan xaqiiq dooda,waxaa ugu danbeeyey maxkamad dhacday horaantii bishii August ee sanadkan. Hada balanta lafilayey waxay ahayd in bisha soo socoto ee October ee sanadkan Maxkamad lakeeno, laakiin Nasiib wanaag waxaa dib loodhigay ilaa bisha January ee sanadka cusub ee 2013-ka,waqtigaas oo lafilaayo inay hawsha dacwada si toos ah loogalo,xalka ugu danbeeyana la ogaadaa.

GABO GABO:-Dhamaan Walaalaha Islaamka ah waxaan xasuusinaynaa inay uduceeyaan walalahooda xiran sidii ay horayba ugu ducayn jirayn,Sidoo kale waa in lalaban laabaa taageeradii xaga maadiga ahayd ee walaalaha lala garab taagnaa, maadaama ay Qareenadu wali hawsha sii wadaan,waqtiguna uu dheeraaday. Wixii ku soo cusboonaado arinaka wadaadada waan idiinla soo socodsiin doonaa insha allaah.

Diyaariye: Sheikh Abdullahi Abul Fadli

kulmiye99@hotmail.com

9 Comments so far

Leave a comment

  1. Amino Phoenix Az
    September 27, 2012 at 8:24 am
    Asc Marka hore sh Abul Fadli allaha ku barakeeyo walaahi waan oo yaa mararka qaar kood Markaan arko qoraaladaada aad nagu xasuusinaysid walaaleheen xiran, ilaahay ha kaa ajirsiiyo ka warqabkaaga iyo xasuusintaada, xataa qoysaska qaar kood oon laxiriiray waxay ii sheegeen inaad ka warqabtaan ka culimo ahaan xaaladooda noolal ahaaneed.mida kale ilaahay ha soodayo culimada.
    Reply

  2. khayr allaah ha siiyo sheekh abu-fadli , dareenka walaalnimada ay ku dhehan tahay, allaah ayaan u weydiinaynaa in soo u fududeeyo oo uu sugo soona baxaan ayagaoo saalimiina qaanimiin ah.
    Fidanadaas oo dhanna shabaab ayaa iska leh oo ummadii islamka galaaftay laguna banaystay in badan oo aan dhagar qabayaal ahayn inla xiro ama si kale loo dhibaateeyo.
    Wabillaahi Towfiiq.WSc

  3. Asc Ikhwaani allaha kasoo daayo walalaha cadawga gacantiisa, midna aan ku bararugsanaano.Hadii walaka oo cadaw hesto aa ku fakarto inu xaq uleeyahay in laa hesto ama la ciqaabo malinkaaga ayeey kugu imanesa. Sikasta oo an isku khilaafsannahay ama iskaga soo horjeedno wa inaan qulubta isku furnaa oo aan isku duceeynaa, markii cadaw naga koreeya uuu soo galo meesha. Wabillaahi Towfiiq.

  4. A/C, Alle haka fakiyo gacmahaan xun ee sharta ah……………!

    dhamaan walaalaha galbeed ka jooga waxaan oran lahaa, war haddaanan meesha xoriyad ku haysan ka soo laabta, hana ku waynina diintiina iyo dadnimadiina…………!

    Mahadsanidiin.

  5. a.calaykum

    alle waxaan kaa baryayaa in u badbaadiyo wadaadadeena suuban.

    waa shirqool adag ay wajaheyaan laakin insha Allah wayka badbaadi doonan idanka Alle (s.w.t) sidii uu nabi yuusuf (calaihi salaam) ka badbaaday xabsiga adag!

    waxaan ula dardaarmeeyaan wadaadadeena in at si wadaan dacwadoona oo ay islaamiyaan dadka ku xiran xabsigaas

  6. دعوة المظلوم مستجابة ولو بعد حين
    اللهم فك اسرهم واسر المسلمين ءامين

  7. Ilahaay haka soo daayo sheikha, Akhwaani ducaada Iyo culimada joogta wadamada Reer galbdeedka ilahaay uu Barya In uu sugo. Runti dacwo adag Ayey ka waadan, wadamadas

  8. Akhii Sheekh abuufadli Alaah hakubarakeeyo Xusuusinta Iyo kawarqabida walaalahaa oo xabsi kujira iyo sida aad walaalahaaga muslimiinta ah aad uxusuusin marwalba,culimada xirana alaah xoriyadooda hausoo celiyo fakalaahu asrahum.

  9. ilaalahayow soo daa walaalahayyo, wax dambi ah oo ay galeen lama hayo haddana xabsi ayaa lagu hayaa ,ilaahayow adoomadaada dulman u hiili maxaabiista muslimiintana meel kasta waa ku dulman yihiine u nusree….aamiin…ammiiiiiiiiiiiiiiiiin

Leave a comment

*