Dr Ayman Dawaahiri oo ka hadlay kooxda Daacish ( Dhageyso)

May 2, 2014 - Written by Editor

dawaahiriSuuriya:-Hogaamiyaha Ururka Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa soo diray qeylo dhaan kale ka dib markii kooxda Daacish ay ku baaqeen in Ururka Al-Qaacida oo uu hogaan u yahay Dr Ayman Al-Dawaahiri ay inxiraafeen oo ay ka weecdeen dhariiqii Jihaadka waxaana ay eedeymo culus u jeedi yeen hogaanka sare ee Al-Qaacida waxaana ay qaarkood gaareen in ay ku tuhmaan Irjaa.

Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa cajalka uu soo diray waxaa uu ugu jawaabayaa in kooxda Daacish ay ka mid ahayd Urur weynaha Al-Qaacida waxaa uu daliil u soo qaatay waraaqo ay ciidanka Mareykanka ka heleen guriga Sh.Usma Bin Laden Raximahulaah oo lagu dilay gudaha dalka Pakistaan.

Dr .Ayman Dawaahiri ayaa daaha ka qaaday dacwooyin ay iska gudbiyeen hogaamiyaasha kooxda Daacish iyo Jabhada Al- Nusra oo mid walba uu kan kale u jeedinayo eedeymo culus iyo jawaabihii uu ka bixiyey .

Dr.Ayman Dawaahiri ayaa waxaa kale oo ka hadlay sababka keenay khilaafka in ay tahay markii kooxda Daacish ay ka dhaga adeygeen hogaanka Al-Qaacida wuxuuna ugu baaqay kooxda Daacish in ay joojiyaan dhibaatada ,dilka iyo qaraxyada ay ku dilayaan saraakiisha sare ee kooxaha Islaamiyiinta ee diidan Daacish.

Kooxda Daacish ayaa dhowr mar oo hore waxay daaqada ka tuurtay baaqyo ay soo direen madaxda Al-Qaacida waxaana ay diiday in ay ka baxaan suuriya oo ay ku ekaadaan dalka Ciraaq. Halkan ka Akhriso

PtztyyDhanka kale kooxda Daacish ayaa wareysi gaar ah waxay la yeelatay (الشيخ أبوهدى السوداني)waxaana uu sheegay in Dr Ayman Al-Dawaahiri iyo koox diisa Al-Qaacida ay ka weecdeen wadadii jihaadka oo ay inxirafeen.

Hoos ka Dhageyso wareysiga ay kooxda Daacish la yeelatay mid ka mid saraakiisha taageersan (الشيخ أبوهدى السوداني).

Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa waxaa uu maanta ka qeylinayaa qulaadii Daacish wuxuuna baaq u jeediyey dhamaan kooxha ka dagaalamaya Suuriya isaga oo ka codsaday in ay iska ilaaliyaan dhiiga culumada iyo shacabka Muslinka ah ee Suuriya  hadaba Su,aashu waxay tahay maxaa kala duway culumada,shacabka Shaam iyo culumada iyo shacabka Soomaaliya ?Al-Shabaab sow ma ka tirsana Al-Qaacida muxuu Dr Ayman uga hadli waayey dilka qiyaadaakii Al-Qacida oo uu dilay ina Godane ,Al-Shabaab miyeysan daadin dhiiga shacabka Soomaaliyeed ? miyeysan gaadmo iyo dhagar ku dilin culumadii Soomaaliya?Dr .ayman waxaad moodaa in uusan dan ka lahayn Soomaaliya .

Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa qoraalada iyo baaqyada uu u jeediyey kooxaha dalka Suuriya ay yihiin kuwo tiro badan waana arrin wanaagsan in la isku naseexeeyo oo la saxo wixii qaldan ,balse waxaad moodaa in Al-Qaacida ay kala xigsatay Shaam iyo Soomaaliya. Halkan ka Akhriso Daacish Vs Al-Qaacida

Hoos ka Dhageyso Dr Ayman Al-Dawaahiri oo cajllka cusub شهادة لحقن دماء المجاهدين بالشام

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online