Puntland iyo Beesha caalamka oo shir uga furmay Garoowe

May 21, 2014 - Written by Editor

GarooweGaroowe:- Waxaa maanta shir uga bilaawday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland  xubno ka socda beesha caalamka, Safiiro iyo Hay’addaha deeqaha bixiya iyo madaxda dowladda Puntland. Shirka ka furmay magaalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya iyo siddii looga caawin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya waxaa kale oo shirka looga hadlayaa siddii Puntland  looga taageeri lahaa  dhinac kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ka qayb galay shirka ayaa sheegay in shirka uu yahay mid muhiim u ah Puntland ayna filayaa in wax ku ool ah uu ka soo baxo rajawo weyn ay ka qabaan in Puntland laga taageero horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu muhiimsan yihiin garoomada diyaaradaha, dekedda iyo qalabaynta ciidamada amniga iyo xaruumaha dowladda Puntland.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa insha Allaahu.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online