Dowlada Puntland iyo Beesha Caalamka oo uu shir ugu soo xirmay magaalada Garowe (Masawiro)

May 21, 2014 - Written by Editor

IMG_3837Garoowe:-Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa waxaa Maanta ka qabsoomay shirwayne balaaran,kaasi oo ay yeeshan Dowlada Puntland iyo Beesha Caalamka .

Shirkaan oo ahaa mid Dowlada Puntand ay Beesha Caalamka ugu soo bandhigaysay ujeedada ay kaleedahay Horumarkeeda,waxana goob joog ahaa Wafdi ka socda Midowga Afrika iyo IGAD,Madax ka socota UNSOM, Wadamada ay Safiiradu ka joogen waxaa kamid ahaa,Denmark,France,Germany,Ithalia,Norway,Sweden,Turkish iyo sidookale UAE,Masuulka ugu sareeya Bankiga Aduunka,Madaxa hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Somaliya iyo Marti sharaf kale oo caalamka ka socday .

Dhinaca Dowlada Puntland waxaa ka qeyb galay Shirwaynahaasi madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ,ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Camay iyo xubno Balaaran oo katirsan labada gole ee dowladda Puntlad.

Shirkaan waxaa sidookale ka qayb galay Masuuliyiin ka socday Dowlada Fadaralka Soomaaliya oo ay kamid ahaayen Wasiirka Qorshaynta Soomaliya Siciid Cabdulaahi Dani iyo sidookale Wasiirka Waxbarashada Dowlada dhexe ee Soomaliya .

no images were found

Mudadii uu socday Kullankaasi ayaa dowlada Puntland waxa ay soo bandhigtay qorshayaasha waxqabad iyo baahiyaha ay Dowalda Puntland doonayso in Beesha Caalamka ay wax kala qabato.

Puntland ayaa sidookale soo bandhigtay in muhiimad wayn ugu fadhido in Beesha Caalamka kala qayb gasho sidii loo dhisilahaa Wadooyinka Ceel Dahir ilaa Baran,Qandala ilaa Boosaaso,Eyl ilaa Garoowe, Gaalkacyo ilaa Goldogob iyo sidoo kale Bandar-Bayla ilaa Qardho.

no images were found

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo lahadlay Warbaahinta markii uu soo idlaaday shirkaasi,ayaa waxa uu sheegay in Puntland iyo Beesha Caalamka isla Gaaren In Puntland ay ku taageran horumarka ay gaartay .

‘’Waxaa kaloo laga hadlay shirka Baarnaamijka loogu magacdaray Hiigsiga Cusub,waxana anagu dhankayaga sheegnay inaanan ka soo horjeedin barnaamijkaasi laakin wixii ana aanu qabno oo barnaamijkaasi aanu iyaga u sheegno,kalana munaaqashoono ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Mudane Cabdiwali Gaas .

no images were found

‘’Madixii Bankiga aduunka ayaa maanta timi soomaaliya gaar ahaan Puntland,mana imaan tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya,waad garan kartaa Marka muhiimada beesha caalamka u leedahay Puntland ‘’Ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxwayne Gaas .

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo Dowlada Puntland ee uu Hogaamiyo Madaxwayne Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Magaalada Garowe kula yeeshay Dalalka deeqaha bixiya iyo waliba Hay’addaha Caalamiga ah .


Xigasho Raxanreeb.com

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online