Qaban qaabada Caleema saarka Boqor Burhaan oo si weyn uga socota Qardho

May 22, 2014 - Written by Editor

SONY DSCQardho:-Waxaa magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ka socota diyaar garow aad u balaaran oo ku aadan caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka dhici doonta 25 bishaan magaalada Qardho. Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada caleemo saarka aqoon yahan Nuur Maxamed Nuur oo horey u ahaan jiray gudoomiyihii hore ee daladda Punsaa oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in qabanqaabada caleema saarka Boqorka Beelaha daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ay meel fican marayso isagoo sheegay in la dhisay gudiyo kale duwan oo loo igmada caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada caleemo saarka aqoonyahan Nuur Maxamed Nuur ayaa waxaa kale oo saxaafadda uu uga warbixiyey in dhamaan wufuud kale duwan ay ka imaan doonto Dowladda federalka, dowladda Puntland, Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya , Soomaaliland, dalalka Jabuuti ,Yemen iyo hogaan dhaqameedka Soomaaliyeed.

Gudiga qaban qaabada Xaflada caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa ay diyaariyeen ilaa in ka badan 50 guri oo loo asteeyey in la dejiyo martida ka qayb galaysa caleemasaarka Boqor Burhaan Boqor Muuse kuwaas oo ka soo qayb geli doono xaflada caleemasaarka.

Ciidanka amaanka ee magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa adkeeyey amaanka magaalada iyo goobaha loo asteeyey in lagu casumo madaxda ka soo qayb galaysa caleema saarka Boqorka beelaha daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online