Qeybtii 3aad Muwaadiniin Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Kenya

May 4, 2014 - Written by Editor

tarxiil-kenyaMuqdisho:-Saraakiisha Waaxyaha iyo Qeybaha Habmaamuuska, Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa maanta ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho 88 ruux oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daad gureeyay dalka Kenya, kuwaasoo ah qeybtii seddexaad oo Magaalada Nairobi looga soo qaado diyaarad gaar ah.

Howsha dadkani lagu soo dhoweynayay oo jawi heer sare ah u dhacday , ayaa waxaa Saraakiisha Wasaaradda kala qeyb qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradaasi .

Muwaadiniintani Soomaaliyeed oo isugu jiray dhalinyaro ,haween ,iyo carruur ayaa wejiyadooda laga dareemayay farxad iyo reyn-reyn ay u muujinayeen jaceylka dalkooda hooyo oo dib loogu soo celiyay .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online