Ra’iisul Wasaaraha DFS oo aqabalay Iscasilaadii wasiirka Amniga Qaranka (War-saxaafadeed)

May 25, 2014 - Written by Editor

drcabdiweliMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka aqbalay Wasiirkii Amniga Qaranka iscasilaadiisa, isagoo ku tilmaamay in ay tahay talaabo geesinimo leh.Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amaanay Wasiirkii Amniga Qaranka mudane Cabdikarin Xuseen Guleed inuu ahaa muwaadin si dhab ah ugu adeegayey shacabka Soomaaliyeed

“Waa ka aqbalay iscasilaadiisa Wasirka amniga Qaranka, Waxaana uu ahaa muwaadin u shaqaynayey sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen ammaan, waxaana ka rajaynayaa in uu la sii shaqayn doono dowladda, si looga fa’iidaysto khibradiisa shaqo, ayuu yiri Mudane Cabdiweli

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale xusay in ay Xukuuddu wado baaritaan lagu ogaanayo wixii shalay dhacay iyo sidii ay u dhaceen, cid kasta oo masuuliyadaas wax ku yeelatana si dhab ah loola xisaabtami doono.

Ugu danabyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhakhso u soo magacaabi doono shakhsigii badali lahaa Wasiirkii amniga qaranka.

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya

———–Dhamaad———

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online