Ra’iisul wasaare DFS oo bogaadiyay horumarka shaqo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.[Masawiro].

May 18, 2014 - Written by Editor

DSC05913Mogadishu:-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya H.E.Dr.Abdiweli Sh Ahmed Mohamed ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta Maalgashiga , halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza , danjirayaasha Soomaaliya uga wakiilka ah wadamada Italia iyo Germany ,agaasimayaasha waaxyaha iyo lataliyeyaasha kala duwan ee Wasaaradda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa booqday Xafiisyada Arkiifiyadda ,ammaanka, Waaxyaha Maamulka,habmaamuuska, Qunsuliyadaha, Afrika iyo qeybo kale , waxa uuna la shiray qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha. H.E.Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed ayaa ammaan iyo bogaadin ujeediyay howlaha kala duwan ee Wasaaradda ay qabato , isagoo arrin qiimo badan ku tilmaamay in uu badbaado Keydka Sirta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la unkay sanadkii 1954-tii.

no images were found

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya uu maanta ku kala indha-indheeyay qaabka shaqo ee Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda , ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli Wasaaraddu ay qorsheyneysa isbadal ku dhisan hanaan horumarinaya geedi socodka shaqo iyo shaqaale ee Wasaaradda iyo ergada dibadda.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo
Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online