Sarkaal u shaqaynayey Turkish Airline oo lagu dilay Muqdisho

May 27, 2014 - Written by Editor

Turkish AirlineMuqdisho:-Waxaa saaka lagu dilay  magaalada Muqdisho  Sarkaal u dhashay dalka Turkiga una shaqaynayey shirkadda Turkish Airline oo in mudo ah ka shaqaynaysay magaalada Muqdisho. Dhalinyaro hubeysan ayaa  Sarkaalkaan Turkiga ku toogtay xili uu gaari ku marayey wadadda KM4 oo ah waddo aad loo ilaaliyo ayna inta badan ay ku sugan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Allaha u naxariistee Sarkaalka Turkiga ah ee la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Saadettin Doğan.

Sarkaalkaan la dilay ayaa waxaa la sheegayaa in uu ahaa madaxii ammaanka ee shirkadda Turkish Airline  waxaan ay shirkadda Turkish Airline ay shaqo ka bilawday magaalada Muqdisho bilawgii 2012-ka. Turkish Airline  ayaa wxaa ay ahayd diyaaradii ugu horaysay oo duulimaad ka bilawda Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho arrintaas oo u sahashay dad badan oo Qurbo joog ah in ay si sahlan ugu safraan dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online