Sh Umal oo Dhagaxdhigay machadka imaamulbukhaari ee Qararo.[Video]

May 22, 2014 - Written by Editor

DSC_8446Qararo:-Waxaa markii Taariikhda Itoobiya ay ahayd 06/08/2006 oo waafaqsan 14/04/2014 /14/06/ 1435 la dhagax dhigay Machad loogu magac daray Imam Al- Bukhaari kun yaal Centerka Qararo ee degmada Danood ee gobolka Doollo ee dowladda deegaanka Soomaalida Machadkaan cusub ayaa waxaa dhagax dhigay Sh Maxamed Cabdi Umal deegaanka Qararo ayaa waxaa ay 72 km dhanka koonfur galbeed ka xigtaa magaalada Buuhoodle.

Wefdigan oo dhagaxdhigay machadka imaamul bukhaari ee Qararo oo raacsan Muassasada alsunna waxaana ka mid ahaa.

1. Sh.Mahad Cabdilaaahi Kaahin oo Xubin ka ah golaha sare ee arimaha islaamka ee DDSI, ahna hogaanka masaajidada kilinka

2. Cabdifataax maxamed mursal. Gudoomiyaha degmada Danood ee gobolka Doollo.

3. Sh/Maxamed Cabdi Umal. Caalim weyn oo kamid ah culumada bariga Africa.

4. Sh/Yuusuf Axmed Carab, madaxa dacwada ee muassaada alsunnah ee DDSI.

5. Sh/Ibraahin Barkhadle, oo kamid ah culumada DDSI iyo xubno kale oo badan.

Wefdigan ayaa waxaa centerka Qararo kusoo dhaweeyey culumo aad u badan oo ka kala yimid centerada iyo degmooyinka kale ee gobolka Doollo iyo weliba magaalada Buuhoodle, cuqaasha iyo odayaal dhaqameedka reer qararo, ardayda reer qararo, dhalinyaro, hooyooyin iyo dadweyne aad u farabadan oo uu horkacayo maamulka qabale centerka qararo oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha centerka qararo Axmed Maxamuud Cismaan.

Soo dhaweynta kadib ayaa wefdigani horay ka bilaabay dhagaxdhig si sharci ah loo dhigay machadka barashada shareecada islaamka ee imaamu albukhaari Qararo.Dhagaxa ugu horeeyey ee machadka ayaa si wada jira waxaa u wada dhigay sadexda masuul eek ala ah:-

1. Sh. Mahad Cabdilaaahi Kaahin oo Xubin ka ah golaha sare ee arimaha islaamka ee DDSI, ahna hogaanka masaajidada kilinka.
2. Cabdifataax Maxamed Mursal. Gudoomiyaha degmada danood ee gobolka doollo.

3. Sh.Maxamed Cabdi Umal oo ah caalim weyn oo ka mid ah culumada bariga Africa.

Goobta dhagaxdhiga ayaa waxaa kelmado qiimo badan ka soo jeediyey saddexdan masuul ee machadka dhagax dhigay, iyagoo ku tilmaamay in machadka imaamul bukhaari uu yahay guul usoo hoyatey dadweynaha ku nool centerka Qararo iyo guud ahaan degmada Danood, waxayna ilaahay ka baryeen inuu dhamaystiro machadkan iyo midhaha laga rajaaynayaba.

Dhanka kale waxaa iyana madashaasi ka hadlay :

1.Sh. Axmed sheikh Cumar Xasan oo ka mid ah culimada reer Qararo.

2. Caaqil Cabdiraxmaan Axmedolol Xaaji Diiriye oo ka mid ah cuqaasha reer Qararo.

Sh.Axmed iyo caaqil Cabdiraxmaan ayaa ku dheeraaday muujinta dareen kooda farxada leh ee ku aadan guusha u soo hoyatey deegaankooda iyo machadkan imaamulbukhaari ee sidda sharciga ah looga dhagaxdhigay magaalada qararo. Dhinaca kale shiikha iyo caaqilku waxay si weyn ugu mahadceliyeen wefdiga safarka dheer soo galay ee ku sharfay centerka Qararo dhagax dhiga machadkan iyo weliba aqoonta iyo cilmiga ay u soo safriyeen reer Qararo.

Ka dib markuu dhamaaday barnaamijka dhagaxdhiga machadka imaamulbukhaari ee Qararo waxaa wefdiga loo sii gelbiyey geedaha hadhweynaanta iyo bilicda isku darsaday ee ku yaala badhtamaha magaaalada Qararo halkaas oo ay ardaydii loo dhagax dhigay machad kani ku soo bandhigeen qaybo ka mida aqoontooda luqada caribiga iyo weliba mutuun kala duwan oo ay xifdisanyihiin.

Sh.Cabdishaafi Axmed Cali oo barnaamijka xidhiidinayey ayaa u talaabi yey microphone ka dhinca Sheekh.Yusuf Axmed Carab oo isna ku soo dhaweeyey shiikha weyn ee caalimka ah alle ha xifdiyee Sh.Maxamed Cabdi Umal.

Sh.Umal ayaa badhtamaha Qararo ka soo jeediyey muxaadaro aad u qiiimo badan oo dadweynihii la qiiroodeen, kadibna waxaa bilaabmay barnaamijkii fatwada oo su,aalo badan oo baahi loo qabay uu uga jawaabey Sh.Umal dadwynaha reer Qararo, kaasoo qaatay mudo dhawr saacadood ah.

no images were found

Dadweynaha reer Qararo ayaa geel iyo adhiba ku casumay wufuudana sharafta leh ee meelaha kala duwan isaga yimid. Si kastaba ha ahaatee maalinkan ayaa ah maalin weyn oo taariikhiya oo ay aad u hadalhayn doonaan dadweynaha reer Qararo xasuustoodana ku dheeraan doona.

Halkan ka daawo Dhagax dhigii Machadka Imaamulbukhaari

Muassasada allsunna
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online