Sh Yuusuf Aadam oo muxaadaro ka jeediyey Masjidka Abubakar ee Minneapolis[Dhagayso]

May 27, 2014 - Written by Editor

sh_yusufMinneapolis:-Sheekh Yusuf Adam oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya ayaa waxaa uu dhawaan ku soo gaaray arrimo caafimaad dalka Maraykanka waxaan uu  muxaadaro xalay ka jeediyey Masaajidka Abubakar ee Minneapolis isagoo ka hadlay Casharka iyo cilmiga laga faa’iiday sanayo Suurada (Al-Casri).

Sheekh. Yusuf Adam ayaa waxaa uu ka mid noqday dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ugu horaysay ee nasiibka u hellay in ay ka qalin jabiyaan 1974 Jaamacada Madiina xiligaas oo uu madax ka ahaa Caalimka waynaa Sh.Ibnu-Baz.  Sheekh Yuusuf Adam ayaa waxaa uu ka mid yahay culimadii Soomaaliyeed ee horseedka ka ahaa Aasaaskii Dacwada Salafiga ah ee ka hana qaaday dalka Soomaaliya taas gaartay dalalka dariska la ‘ah Soomaaliya markii danbena u talaabtay meel walbo oo ay bulshada Soomaalida kaga nooshahay Aduunka.

Sheekh. Yusuf Adam iyo Sh Cabduqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee ayaa waxaa ay ahaayeen saaxiibo ku walaaloobay diinta waxaan ay soo saareen Arday fara badan oo ku howlan ilaa hadda fidinta diinta  arrinkaas oo ay fadli gaar ah ku leeyihiin sidda culimada kale ee Soomaliyaba ay ugu leeyihiin.

Sh. Yusuf Adam ayaa Muxaadarooyin iyo talooyin badan siin doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Maraykan-ka gaar ahaan Minnesota oo ah meesha Sheikhu kusoo dagay insha allaah. Muxadaaradii ugu horaysay ayuu xalay ka jeediyey Xarunta Abuubakar ayaa ka hadlay Casharada iyo Cilmiga laga qaadanayo Suurada (Al-Casri). Muxaadarooyinka danbe ee Sheikh Yusuf u toog haya, waa idiin soo tabin doonaa insha allaah.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Sh Yuusuf Adam ka jeediyey Masjidka Abubakar ee Minneapolis

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/lngolwvu9v/Sh._Yusuf_Adam.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Xasan Dhooye
Minneapolis
dhooye@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online