Ururka Al-Shabaab oo sheegtay Qaraxii ka dhacay dalka Jabuuti

May 27, 2014 - Written by Editor

cali-dheereMuqdisho:-Afhayeenka Ururka Al-Shabaab  Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa shir jaraa’id u qabtay qaar ka mid ah warbaahinta Shabaab waxaana uu faahfaahin ka bixiyey qaraxyadii ka dhacay dalka Jabuuti.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in Ururkiisa uu ka danbeeyo labadii qarax ee ka dhacay xarunta dalka Jabuuti habeenkii sabtiga kuwaas oo ahaa kuwa ismiidaamin ah waxana weerarka uu sheegay in ay la beegsadeen Hotel ay ku caweeyaan dadka reer galbeedka ah oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Ciidanka NATO.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in qarax ay ka geysteen dalka Jabuuti ay ku dileen 35 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo Faransiis ah halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay .

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen dalka Jabuuti uu u yahay fariin cad isaga oo sheegay in ciidanka NATO iyo kuwa Mareykanka ah aysan nabad ugu caweyn doonin dalka Jabuuti xili ay taageero dhinac walba ah ay u fidinayaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka Al-Shabaab  ayaa ugu baaqay shacabka dalka Jabuuti in ay kacaan oo ay iska ridaan Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geele.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online